Maraykanka Oo Digniin U Diray Dawladda Israel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Digniin U Diray Dawladda Israel.
October 2, 2014 - Written by Wariye:

maraykanWashington(Wajaalenews):-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa Ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu u sheegay inay si weyn Maraykanku uga walaacsan yahay Degaamaynta Cusub ee Israel ka bilaabayso Bariga Qaza.maraykanku waxa uu Israel ugu digay inay qorshahan ku waayi doonto mid ka mid ah xulufadeeda ugu dhaw oo Maraykanka ah.

“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay wararka ah in Xukumadda Israel hore ugu socotay qorshe ay ku  degsiimeynayso meel xaasaasi ah oo Bariga Qaza ah” ayuu sheegay Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka.

Afhayeenka Aqalka Cad Josh Earnest, waxa uu sheegay in Arintani noqonayso Farriin dhibaato keenaysa oo Israel dirtay, islamarkaana ay dhaawacayso wadaxaajoodkii iyo heshiisyadii Falastiin iyo Israel.

“Qorshahan Israel, waxa uu keenayaa uun Cabaaraynta Beesha Caalamka iyo Inay Israel kaga fogaato ama xataa ay ku waydo Xulufadoodii ay iskugu dhawaayeen” ayuu yidhi Afhayeenka Aqalka cad.

Waxa uu sheegay in Qorshahani sumayn doono Jawiga Israel, iyadoo aanay kaliya saamayn ku yeelanayn Falastiiniyiinta balse xataa wadamada carabta ee ku dhaw ay saamayn ku yeelan doonto, kuwaasi oo Netenyahu hore u sheegay inuu xidhiidh la samaysanayo.
Israel ayaa ku hawlan dhisida 2,600 Guri oo ay doonayso inay Israel-yiin ku degaamayso bariga marinka Qaza.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS