Madaxweynuhu Waa Ninka Reerkiisii Horsocda Ee Masuul Beeshiisa Ahi Haduu Khalad Galo Aan Talaabo Ka Qaadeyn”Xil Cali Aareeye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynuhu Waa Ninka Reerkiisii Horsocda Ee Masuul Beeshiisa Ahi Haduu Khalad Galo Aan Talaabo Ka Qaadeyn”Xil Cali Aareeye
October 27, 2014 - Written by Editor:

“Ninkaasi Cabdilaahi Balaaki nin Golaha ku cusub ayuu ahaa, waxaanan ka baqayaa inuu ahaan jirey Guulwadayaashii Dowladii Siyaad Barre ayuu ka tirsanaa baan is idhi,

Hargeisa(Wajaalenews);Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo katirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Wakhti xaadirkan katirsan xubnaha Mucaaridka ah ayaa, si adag u dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, iyo Waliba Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-gaal),isagoo sigaar ahna Farta ugu fiiqey,Xubno kamid ah Xildhibaanada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo Wareysi gaar ah Siiyay Shabakada Wararka hadhwanaagnews qodobada dhaliisha culus ah ee uu dul joogsadey waxa kamid ah in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo horsocdo qabyaalad, islamarkaana, aanu khalad saarin masuulka kasoo jeeda Beeshiisa ee khaldama, taas, oo sida uu hadalkiisa u dhigay aanay jirin habayaraatee Xil ka qaadis uu ku sameeyay jufadiisu mid uu u kordhiyo Mooyaane.

“Somaliland waxay ka kici laadahay Khilaafaad,waa hore ayay daruuraha mari laheyde,nimanbaana hoos u jiidaya, waxaana nagu dhex jira,Aduunka marka xoolaha la qasho inta aan neefka la bisleyn beerkaa lagu sii sugaa, qaarbaa ka dhigtey Somaliland beerkii qadada lagu sugayay,oo dhanka ay doonaanba u rida khaatumo quluubta kala jira Soomaali weyntaa aan shaqaba isku laheyn iyaguna la jira ayaa meesha ka buuxa,khilaafkan imika aloosmay waxa uu kasoo bilaabmay iyo weerarada lagu hayo Gudoomiyaha maalintii uu kala badbadelay Gudiyada uu isagu xaqa u lahaa,waxaa la rabaa in Gudoomiyaha wax loo yeedhiyo oo layidhaa sidaa samee sidaa samee,sida Baashe iyo Cali Yuusufba loogu yeedhiyo,ma aha nin loo yeedhin karo waa nin Xisbi dhan oo mucaarid ah masuul ka ah horena aan loogu yeedhinin,mida kale yaan la halmaamin Gudoomiyaha Guurtidana Saleebaan hafadhiyo,Madaxweynuhuna Siilaanyo ha fadhiyo Cabdiraxmaana halaga qaado,Somalilandta kalena waxba ma hayso isaaq weyne Cabdiraxmaanbaa wax ka haya reerkii isaaq ee balaadhnaa waa intaa Guurtida iyo Madaxweynuhuna waa isku reer Cabdiraxmaankiina in laga qaadaa la rabaa oo inan yar oo reerka Siilaanyo ah lagu badelo waa midh subxaan allah”Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Aareeye.

Mar la Weydiiyay Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye Waa Kuma inanka yar ee aad Carabka dhufatey isagoo ka jawaabaya Su,aashaasi waxa uu yidhi.

“Isagaa iska soo bixi doona, wuu soo bixi doonaa, laakiin waa farsamooyika la rabo in lagu shaqeeyo,beelihii la odhan jirey harti waxba dalka kuma hayaan Baashahaa kolba dhinac loo naanaabinayo mooyaane ee aan kartina laheyn ee hadii layidhaa waar muxuu Cali Khaliif Sameeyay aan juuq odhaneyn ee aan Somaliland daacad u aheyn,Baashe 2006dii Markhaatiyo badan ayaan u hayaa hadii Maxkamada la is geeyo wuxuu nagu yidhi aniga laba boqol oo dollar wax ka yar baa igaga baxey inaan Doorashada kusoo baxo taasi waxey cadeyneysaa,inaanu Somaliland daacad u aheyn horeyna waan u sheegay Wabsitkiina(Hadhwanaagnews),dib u eega Jabuutina waan ka sheegay,Somaliland waxba uma hayo waa ninka noocaas ah waxaan warar ku haynaa in uu Canada isaga iyo cade muusihii Puntland madaxda ka ahaa intey fadhiistaan meel ay odhan jireen Somaliland ma kaceyso waxba ma noqoneyso”Ayuu yidhi Cali Aareeye.

Waxa kale oo uu ka hadley isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo ku sahabsaneyd in Xildhibaanada Mucaaridka ah ee Golaha Wakiiladu ay dalbadeen deeq bixiyayaasha Caalamka ee Somaliland ka caawiya Arimaha Doorashooyinka,balse Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladu Baashe Maxamed Faarax ku eedeeyay in Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo ay dalbadeen Amisom iyo Madaxweynaha Sioomaaliya sida uu arko odhaahdaasi waxa uu yidhi.

“Arintaasi waxba kama jiraan Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waa dhabarka iyo xanjaadka Golaha Wakiilada,waa muwaadin nin Guurtida sheeganayay oo xaley afka la dhacayayna waan arkayay,mar walba waxa hagaagsan ayuu rabaa,Baashena Siciid Cilmi Rooble ma gaadhi karo markii halgankii qadhaadhaa lagu jirey ragii ugu badnaa ee lacagta soo ururinayay ayuu ahaa Siciid nin awal ah ayaa kuyidhi waar aynu taakulo gaar ah urursano nin garxajis ah ayaa iiga sheekeeyay markaasuu yidhi Siciid waar maxeynu kala nahay urursan mayno mid gaar ah ani muxuu i yeelay garxajis Siciid Cilmi waa ninkaa waa ninkaa usoo halgamay dalka,halkuu Baaeshena leeyahey laba boqol oo dollar igagama baxaan wuxuu u yeedhay Siciid sidii markii shaley Daahir Rayaale khilaafka keenay uu Siilaanyo deeqbixiyayaasha kaalaya oo nasoo dhex gala u yidhi kuwaasuu Siciid u yeedhaye Amisom uma yeedhin Xasan Sheekh Maxamuudna xidhiidh ma leh ee Baashaa la leh xidhiidh isagaa la socda,Siciid waa halgamaa intaan dalka lasoo galina, ninkii taakulada kasoo ururinayay dibada ayuu ahaa waa gef baan leenahay,wax umadu kaa rumaysaneysana ma ahine,aduu biilbaad u joogtaaye wadaniyad uma joogtid”Ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye.

Waxa kale oo uu ka hadley Xildhibaanku isagoo ka jawaabaya Su,aal laga weydiiyay Qodobada uu Gudoomiyaha Guurtidu iclaamiyay in lagu darey xeerka la ansixiyay ee ay sheegayaan Xildhibaanda Muxaafidka ahi isagoo ka jawaabaya Su,aashaasi waxa uu yidhi.

“Waxa layidhi hadaanay sacabka wax kujirin maxaa habeenkii loo tumaa,waad ogtahey labadayada Gole toban talaabo ayay isku jiraan haduu Gudoomiyaha Guurtidu wax arkey,intuu soo socdo toban talaabo uunbuu Cabdiraxmaan u keeni lahaa,oo odhan lahaa waar halkan iyo halkan sideen uga saxnaa waxaad arkeysaa Gudoomiyihii waynaa in ay inamo yaryari wax u sheegayaan,waana midh subxaan alle waana wax sabanka ka taagan oday weyn oo dowladihii horena wax kasoo qabtey,in maskaxdiisa inamo yarayri badilayaan,waxaan leeyahey Saleebaan sidii dalka lagu hagaajin lahaa kama shaqeynin,Gudoomiyaha Wakiilada ayuu u iman lahaa waanu tusi lahaa waxa khaldan waana la isla sixi lahaa,Golaha Guurtida inta aanu xeerarka u gudbino wax ka daba tagi jirey,majirin iyaga uunbaa hadii xataa alfaabeetigu khaldan yahey iyaga ayuunbaa soo sixi jirey dib ayay noogu soo celin jireen,waanu ka doodi jirney waxna waanu qaadan jirey waxna waanu ka tagi jirney,imka waxa weeyaan mid ay ugu dam iyo dig leeyihin in Kursiga Cabdiraxmaan-ciro lagu badelo nin ay Siilaanyo iyo Saleebaan adeer u yihiin Somalilantii kale oo dhana waxa xil haya Cabdiraxmaan hadey tahey gadabuursi,iyo Ciise hadey tahey Harti waligay maan arag taariikhda intaas ayaan soo joogay intaas oo Madaxweyne ayaan lasoo shaqeeyay,Cigaalbaan lasoo shaqeeyay Rayaale ayaan lasoo shaqeeyay,toban sanaan kusoo jirey Golaha Wakiilada waligay Somaliland kama dareemin qabyaalad,Madaxweyne idil oo reerkiisii hor socda,oo reerkiisii qof edeb daro sameeyay aan jago ka qaadeyn jago uu u kordhiyo mooyaane,reer walba waala qabsanayaa,”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo Xildhibaan ka hadley isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo ku sahabsaneyd malaga yaabaa in waxyaabaha khilaafaadkani Golaha sioo celcelinaya, ay sabab u yihiin jilaafooyin Xukuumadu ugu dhigayso Cabdiraxmaan Ciro maadaama Xisbigiisa Mucaaridka ah ee Wadani ay aad uga cabsi qabto dhaqdhadaqaaqiisa isagoo ka jawaabaya waxa uu yidhi.

“Waxaa la ogyahey maanta Xukuumad jirtaa majirto,Xukuumada Somaliland jirtaa waxey u muuqataa qalin khadkii ka dhamaaday,ilaa ioyo odayga waxey u muuqdaan Xukuumdiisa iyo isaguba qalin khadki ka dhamaaday,qalinka khadku ka dhamaadayna waa la isku tuuraa,waxey leeyihiin armuu noqdaa ciro kii Madaxweynaha noqon lahaa,ee Bari Siilaanyo kala wareegi lahaa,ee katirsan lahaa ee ini tuuri lahaa,sida qalinka khadku ka dhamaaday,markaa carqaladuhu wey iska badan yihiin,laakin tii alaa meesha taala,illaahay ninkuu doonayo ayuunbuu karaamada saaraa waxeyna u muuqataa Xukuumadani xukuumad rafaneysa,Siilaanyona waa qalin khadkii ka dhamaadey”Ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye.

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo la weydiiyay in aanay Xubnaha Xildhibaanada Muxaafidka ahi isku waafaqsaneyn dhaqdhaqaaqan ay wadaan qaarkood sidii uu Afhayeenkoodu shaley Sheegay waxa uu yidhi.

“Wey jiraan Xildhibaano badan oo damiirkoodu diidan yahey oo nala soo xidhiidhiyaa, laakiin waa Gorayadii lugna ciyaarta lugna dibada laakiin ninka raga ahi waa inuu go,aan yeeshaa,baadilka askarta qabaneysaa waa xaqa toban nin ayaa ka badiya boqolaal nin marka ay xaqa ku taagan yihiin, insha alaalhu anagu xaqaanu ku taaganahay runtaanu ku taaganahay,dalkaanu rajo ka qabnaa ninka shan boqol ama kun dollar lasiiyee dalkan iibsanaya,shacabka waxaan leenahay ka digtoonaada,dadkii soo doortoowna nimankaa mar dambe ha isku soo haleynina,waa nin hunguri kaa qaadey waa nin seefi kaa qaadey”Ayuu yidhi.

Gabagabadii waxa uu ka hadley Xildhibaan Cali Aareeye Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige Balaaki oo uu ku sheegay in aanu ka warahaynin qodobada uu ka hadlayay iyo afhayeenimada loo qabsadey isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi.

“Ninkaasi Cabdilaahi Balaaki nin Golaha ku cusub ayuu ahaa, waxaanan ka baqayaa inuu ahaan jirey Guulwadayaashii Dowladii Siyaad Barre ayuu ka tirsanaa baan is idhi,hubsiimo la,aan ayuu meel kasta iskugu tuuraa halagaa sheego oo xagaa halagaa ogaado ayaa qeyrkii iyo qoomihii ka reebaysee maskaxdiisa iyo garashadiisa haku shaqeeyaan leenahay, oo xaga wanaagsan iyo dadfnimada hasoo raaco”Ayuu hadalkiisa ku gabagabeeyay Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye.

COMMENTS
LINKS