Madaxweynuhu Hadii Aanu Wadankoo Dhan Qabyaalada Iyo Eexda Ka Jirta Ka Warhayn Karayn Waxba Yuu Dambi Korodhsane Ha Tanaasulo By:Libaaxyare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynuhu Hadii Aanu Wadankoo Dhan Qabyaalada Iyo Eexda Ka Jirta Ka Warhayn Karayn Waxba Yuu Dambi Korodhsane Ha Tanaasulo By:Libaaxyare.
October 18, 2014 - Written by Wariye:

Ilaa waligeenba ma,qayluun baynu kujiri. iminka tusaale ahaan dawlada siilaaanyo wax bay qabatay laakiin cadaaladii

BISMILAAHIN ARAXMAANI ARAXIIm.

Marka hore waxaan salaamayaa saxaafada xorta ah iyo dhamaan shacabka somaliland dibad iyo gudoba.

Marlabaadka hadii aan u soo gunda dago maqaalkayga waxaan doonayaa inaan la hadlo dhamaan madaxda somaliland iyo horumar la,aanta siyaasadeed iyo niyad xumada iyo cadaalad darada ay dadka ku abuuraan ee midba midka kale saran yahay ee ay cabanayaan ee hadana ay cadaalad daradii iyagu samaynayaan.

Ilaa waligeenba ma,qayluun baynu kujiri. iminka tusaale ahaan dawlada siilaaanyo wax bay qabatay laakiin cadaaladii bay ka seexatay oo odaygu xagaaba mayaqaan baad is odhanaysaa maxaa yeelay waxaad arkaysaa dulmigii ay dawladihii horeba sameeyeen ee ahaa sareeye hoosee iyo wasto iyo hebel meesha gee inuu halkii kasii socdo niman madax sheeganaya ayaa had iyo jeer tvyada

iyo websiteyada kayidhaahda siilaanyo beeshiisii buu u eexday iyo waxbuu taray. wax uutarayna majirto waxaan cay iyo aflagaado ahayna beesha umuu soo kordhin inuu anaga wax noo soo kordhiyona maanu doonayn ee waxaanu filaynay cadaalad kuwa had iyo jeer reeraha hadal hayaana kamay hadli jirin wixii dulmi jiray ee dawladihii ka horeeyay ee galbeed kararaa wax kasta oo somaliland wada lahayd galbeed iyo hargaysaa lagu burburin jiray, markaa silaanyo hadii aanu dulmigii jiray ee dhaqanka noqday waxba ka qabanayn ee eexda iyo qaraaba kiilka ahayd ee aan sharciga loo sinayn dee meesha yuu isu soo sharixin mardambe dadkana yuu lu goyn, dadka qaar baa yidhaahda cadaaladi aakhiray taalaa,waa run laakiin ifkana ilaahaybaa ina faray inaynu dhexdeena cadaalad samayno aakhirana ilaahaybaa inakala xukumaya waxaynu soo camal samaynay. sidaa darteed horta dad mulima baynu nahay hadana waxbaa inaga siya sababtuna waa inaga oo wax inaga si yihiin oo nin waliba aad is odhanayso tolow waxan oo qabyaalada maxaa ugu dhex jira ee ilaa hadalkii cadaalad darada galay. hadal iyo dhamaan dulmiga wadanka ka jira wixii wada ilaahay haynaga qabto ee aan wanaag doonayn.

wabilaahi tawfiiq.

maxamed ibraahim axmed <libaaxyare27@hotmail.com

COMMENTS
LINKS