Madaxweynihii Dalka Zambia Oo Ku Geeriyooday Carriga Ingiriiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Dalka Zambia Oo Ku Geeriyooday Carriga Ingiriiska
October 29, 2014 - Written by Editor:

London:(Wajaalenews)-Madaxweynihii Hore ee Dalka Zambia Mecheal Zata ayaa saaka ku geeriyooday Caasimadda Dalka Ingiriiska oo uu caafimaad ahaan u joogay in muddo ah.

madaxwaynihii dalka sambia

zataMecheal Zata, ayaa ku geeriyooday Da’da 77-ka, waxana uu in muddo ah ka Cabanayey xanuun kusoo booday oo warar kooban laga Helayey.

Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Zambia Roland Msiska ayaa maanta oo Arbaco ah xaqiijiyey in Mr Sata uu geeriyooday shaley gelinkii dambe.

Sata waxaa uu Zambia hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2011 oo uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee soo afjartey taladii Xisbiga Movement for Multiparty Democracy oo muddo labaatan sanno waddanka soo xukumayey.

Toddobaadkii hore, xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in Mr Sata uu dalka dibeddiisa ugu ambabaxay baadhis caafimaad, laakiin ma jirin faahfaahin dheeri ah oo uu xafiisku bixiyey.

Xaaladdiisa caafimaad ayaa tan iyo bishii July laga muujinayey walaac, kadib markii uu socdaal uu isku soo daweynayo ku tegey Israel, wixii intaa ka dambeyseyna muddo saddex bilood ah laguma arkin meel fagaare ah.

Bishii la soo dhaafey waxaa uu hor iman waayey shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York oo uu khudbad ka jeedin lahaa, waxana markaas la ogaaday inuu Madaxweynuhu xanuun la tiicayo.

Zambia ayaa kamid ah Dalalka Afrika ku yaalla ee Dhaqaalahoodu soo korayo, waxana madaxweynaha haatan geeriyooday la sheegay inuu ku joogay Jidkii horumarka oo uu muddo saddex sano ah ku socday

COMMENTS
LINKS