Madaxweyne Siilaanyo “Xannaanu u baahannayahaye Xukun Uma Baahna” By-Sahal Sa’ed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo “Xannaanu u baahannayahaye Xukun Uma Baahna” By-Sahal Sa’ed
October 12, 2014 - Written by Editor:

Inkastoo madaxeynuhu sharaf Inaga Mudan Yahay, hadana xilbaa inaga saaran xaaladiisa hoose iyo ilaalinta suubanaantii sooyaalkii taariikheed ee uu ummadan ku lahaa.

Axmed (Siilaanyo) waa Madaxwayne,rugcadaa halgamaa,siyaasi qoto dheer wakhti badan talinayey, waayo-arag dhaqaale yahan ah, inta xasuusata ama maankoodu xiliyadii hore garaadka lahaa waxay si mug leh u dheehan jireen isagoo cod tolmoon aftahan hadal aqoon ah, madaxweynaheenu waxa uu ahaan jiray cidina cid uga sheekeyn meyso, waa taynu ku dooranay 51%, se ayaan darada dhacday kumeynaan xisaabtamin cimrigiisa oo dhaafay xiligii talinta, aduunka la joogo da’du way tirsan tahay ogowna qofku haddii uu dhaafo 63jir waxa ka sii dhaca mooyaane waxba uma kordhaan,

Sidaas owgeed baa rabbi (sw) uu suubanaheedii nabi muxamed (scw) ugu oofsaday da’da 63jir, khulafaduna badankoodu intaas bay ahaayeen

Xigmada ku jirta da’da waxay tahay in qofku marka uu weynaado wax badan oo lagu yaqaanay gabaabsiyaan, si aynu arintaas u cadeyno aynu tusaale u soo qaadano, isabrbar dhigna ku sameyno, inteena xasuusan ilaa 1988 markii uu madaxweynuhu ahaa hogaamiyihii “SNM” iyo sideedii sanno ee uu halganka ugu jiray hannashada kursiga dalka ugu sareeya, iyo maanta ma sinna lamana masayn karo.

Bal tan danbe ee sooyaalkii mucaarideed soo qaado, saw ma xasuusatid madaxweyne siilaanyo oo saddex saacadoo khudbada bilaa waraaq ah akhriyi jiray, saw ma xasuusatid isagoo saxaafada horfadhiya su’aashay doonaan ugu jawaaba, markay haaka yidhaahdaan ka hinqada meesha oo noqda ka ugu danbeeya ee istaaga.

Maxaa maanta keenay in dalka markuu ka baxayo ama soo galayo la kootarabaaneeyo, cidna aanay su’aal weydiin karin, shirjaraa’id aanu wali qaban. miyeynu filaynay maanta dhuxul oo aan dugsi sare dhameysan inta uu madaxweynah sida caydin yar gacanta qabto inoo sheego in aan su’aal la weydiin karin, saw habmaamuuskii dowladnimo ma dhiman,

Xanuunada iyo cimriga isbiirsada awgood waxay dhaliyeen koox awoodeed abuurmay, kuwaas oo ku tuntay hab-maamuuskii dowladnimo, dhamaan raga maanta baarka sare u fidhan yahay waligood xafiis dowladeed kamay soo shaqeyn, bal ila tiri oo dib u raadi taariikhdooda, fursada u saamaxday saw ma’aha in awoodii dowladeed gacan aanay ugu jirin cid hagtaa, madaxweynaheeniina inooga baahan yahay hiil iyo in aynu ka dhicino dugaaga ka faa’ideystay xaalada uu ku jiro.

Haddii maanta hab-maamulkii dowladnimo sidaas yahay, maxaynu fili karnaa shan sanno oo danbe, saw ceeb iyo fadeexad uun ma’aha

aanu u hiilino madaxweyne siilaanyo oo aynu sharaftiisan ilaalino raga meesha joogaana kala dirno, doorashadana ka codeyno si loo badbaadiyo sooyaalkii taariikhdiisa.

 

saedsahal@gmail.com

Hargeis,somaliland

COMMENTS
LINKS