Madaxweyne siilaanyo oo Golaha Wakiillada u soo Gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka +Magacyadooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne siilaanyo oo Golaha Wakiillada u soo Gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka +Magacyadooda
October 6, 2014 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2813/102014,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, kuwaasi oo ka kooban lix xubnood oo cusub bedelna u noqon doona Xubnihii hore komishinka Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhamaaday.

Ujeeddo Madaxweyne:      Soo Gudbin Xubno, Guddida Doorashooyinka Qaranka

 Mudanayaal,

 Sida aad la socotaan, waxa dhammaad ku dhaw muddo xileedka Guddida Dorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aan beddelkoodii idiin soo gudbiyo.

Haddaba, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa Lix (6) Xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbiyeen dhinacyadii uu sharcigu awoodda u siiyey soo xulidda saamiga kaga beegan si waafaqsan hab-raaca ku qeexan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer No.20/2001, Qodobkiisa 11, Faqraddiisa 2aad.

Magacyada Xubnaha cusub ee buuxiyey shuruudihii xubinnimo ee looga baahnaa sida uu dhigayo Xeerka Doorashoyinka Xeer No.20/2001 Qodobkiisa 12 waxay kala yihiin:-

Xubnaha Madaxweynuhu soo Xulay:

  1. Mudane, Maxamed Jaamac Maxamed.
  2. Mudane, Maxamuud Jaamac Wacays.
  3. Marwo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Labada Xubood ee Golaha Guurtida:

Mudane, Siciid Cali Muuse.

Mudane, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame.

Xubinta Xisbi UCID:

1 Mudane, Cabdi-fataax Ibraahim Xassan.

Waxaan soo jeedinayaa inaad xubnaha si dhakhso ah uga gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.

Fiira-gaara;

1)Xubinta ka dhiman Xubnaha Guddida waxaan soo gudbin doonnaa markay buuxiso shuruudaha

2)Waxa halkan ku lifaaqan CV-yada Xubnaha Cusub.

 

 ALLAA MAHAD LEH

 

                    Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS