|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo la kulmay Wefti ka Socda Dalka Norway.
October 2, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil Saylici waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Wefti ka socda Dalka Norway kuwaasi oo ka koobnaa 12 ruux kana kala socda Ururada Bulshada iyo Macalimiinta Jaamacada Dalka norway oo dalka ku sugnaa saddex maalmood, kuwaasi oo u jeedada Safarkoodu ay la xidhiidho sidii ay u soo ogaan lahaayeen xaqiiqada Dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.
waxaana kulankaasi madaxweyne ku xigeenka kuwehelinaayey wasiirka wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Geedoole, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliya Mudane Saxardiid. sidoo kale waxa weftiga ka socda dalka Norway oo haween u badnaa ay kulan la yeesheen Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh maxamed Jirde, iyada oo Marwadu uga mahadnaqday sida sharafta iyo qadarinta leh ee ay wakhtigooda u soo siiyeen inay somaliland ka bartaan dunida inteeda kale, una kuur galaan waxa ay somaliland tahay iyo halka ay aduunka kaga taaloba ay wax uga ogaadaan. waxa kale oo iyana halkaasi deeq lacaga oo $1000 Dollar ah cusbitalka weyn ee hargeysa ugu deeqday haweenay ka mid ahayd haweenkii weftiga ka midka ahaa oo lagu magacabo Brit Riise Fredheim lacagtaasi oo ay ugu talo gashay in lagu caawiyo haweenka iyo caruurta. kulanka kadibna waxa halkaasi hadalo ka jeedisay marwada madaxweynaha iyo haweenayda hogaaminaysay weftiga, iyada oo marwadana gudoonsiisay hadyad ay ugu talo gashay oo u khaasa marwada Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Dhammaystay Safar Shaqo oo uu Kusoo Maray Qaar Kamid ah Gobollada Dalk... Xildhibaan Sanbaloolshe Oo Markale Loo Magacaabay Agaasimaha Haayada Sirdoonka Somaliya Ee NISA Daawo: Xukuumada Somaliland Oo Go,aamo Hore U Fashilmay Mar Labaad Ka Soo Saartey Sicir Bararka Dalk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|