|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha oo Amar ka soo Saaray Maktabada GANDI oo Muran ka Dhashay Ganacsade la Doonayey in lagu Wareejiyo.
October 30, 2014 - Written by Wariye:
Guddoomiyaha SONYO iyo xubno wehelinayey Guddi is-xilqaantay oo ka tirsan Dallada Dhallinyarada heer Qaran ee SONYO, Ururka Qoraayaasha Somaliland iyo Dallada Naadiyada Akhriska Somaliland, ayaa wadahadal iyo waanwaan ay xukuumadda kala galeen kadib dib loo furay Maktabada Gandi shalay, taas oo dhawrkii maalmood ee u dambaysay u xidhnayd qorshaha loogu wareejinayey shirkadda Al-xarbi. Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Tani oo warbaahinta kula hadlay albaabada hore ee maktabada kadib furitaankeeda gelinkii dambe ee shalay, ayaa ugu bushaareeyey dhallinyarada in si rasmi ah dib loo soo celiyey adeegyadii maktabadu u haysay. “Dadaal badan oo ay sameeyeen guddi ka kooban Dallada SONYO, ururka Qoraayaasha, Dallada Naadiyada Akhriska Somaliland iyo aqoonyahan iyo abwaanno kala duwan oo reer Somaliland ah oo isu-xilqaamay inay dareenka dhallinyarada ee la xidhiidha xidhitaanka maktabada Gandi inay gaadhsiiyaan xukuumadda, ayaa guul ku soo dhammaaday, annagoo u mahadnaqaynaa Madaxweynaha Somaliland oo go’aan fiican ka qaatay arrintan,” ayuu yidhi Mr. Taani. Waxa kale oo uu u mahadnaqay xubno masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay ergadooda dhegaysteen, waxna kala qabteen sidii looga noqon lahaa xidhitaanka maktabada Gandi. Sidoo kale, xubno ka socday Ururka Qorayaasha iyo Naadiyada Akhriska Somaliland oo hadallo ka jeediyey halkaasi ayaa soo dhaweeyey go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray xidhitaanka maktabada, iyagoo tilmaamo ka bixiyey muhiimada xaruntani u leedahay dhallinyarada iyo aqoonta dalkaba.
Jamhuuriya Hargaysa Office Related posts:Khilaafyo Ka Dhex-qarxay Laba Wasiir Iyo Laba Agaasime Guud Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi... Daawo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeerabaha Somaliland oo Waxba Kuma Jiraan ku Tilmaamay in Xeebaha ... DAAWO;-Gudoomiyaha Degmada Awbare Ee DDS Oo Ka Warbixiyay Laba Dhalinyaro Ah Oo Ciidanka Liyuu Booli... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|