Madaxweynaha dalka Jabuuti oo Mucaaradka dalkiisa u jeediyay eedeymo adag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo Mucaaradka dalkiisa u jeediyay eedeymo adag
October 1, 2014 - Written by Editor:

Jabuuti(Wajaalenews);— Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inaysan diyaar u aheyn in xal laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya dowladdiisa.

Wadahadallo labada dhinac u socday ayaa toddobaadkii hore fashilmay, taas oo abuuray xiisada siyaasadeed oo soo dhexgasha dowladda iyo mucaaradka dalkaas, iyadoo Geelle uu sheegay inay dhankooda weli diyaar u yihiin oo uu dhankooda ka burburin wadahadalkii socday.

“Dal kasta mucaarad wuu ka jiraa, dalkeennu nabad ayuu u baahan yahay, muwaadiniinta Jabuuti waxay xuquuq u leeyahay inay mudaahaaraad ku cabiraan waxay doonayo, laakiin xuquuqdaas waa inaysan waxyeello u geysan shacabka intiisa kale, inaan rabshado dhicin, in ganacsiga xirmo, in shaqo la tagi-waayo iyo inay cabsi-gelin dhacdo,” ayuu yiri Geelle oo wareysi siinayay BBC-da.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa meesha ka saaray in haba-yaraatee aanay jirin dad u xir-xiran siyaasad, balse ay jiraan dad dambiyo galay oo ku xiran xabsiyada dalka Jabuuti, maxkamadna lasoo taagi doono lana ilaalin doono xuquuqdooda muwaadinka.

“Jabuuti waxay ka mid tahay kuwa dunida ee ay dibadbaxyadu ka dhacaan, laakiin ma jirto cid aan dilno iyo cid aan xirno. Waxaan isku ceyno ama isku eedeyno ma heyno, cid u xiran siyaasadna ma jirto; marka laga reebo dad wargeysyo ku qoray cay,” ayuu Geelle intaas ku daray.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay mucaaradka ay xubno ku leeyihiin golaha baarlamaanka, ayna ogolaadeen inay ogol yihiin in wax walba sharciyada u yaalla dalkan lasoo mariyo.

“Innagu wadahadalka waan galnay, waana wadnaa, wayna socdaa, waxaa rajeyneynaa inuu caqliga taliyo, wadahadalkuna xageena kama bur-burin, waxaanan ixtiraamaynaa mucaaraka oo odayaasheenna ah, waxaana leennahay ha isku laabtaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Geelle.

Su’aal ahayd inuu mar afaraad uu isku soo sharaxayo xilka madaxnimo ee Jabuuti ayuu ku jawaabay isagoo qoslaya. “Allaa og, ma sii garan karo, laakiin aniga waxaa leeyahay way iga dhan tahay.”

Mucaradka dalka Jabuuti ayaa waxay diideen doorashooyinkii xildhibaannada baarlamaanka Jabuuti, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay ku shubatay codkii ay shacabka Jabuuti siiyeen.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS