Madaxwayne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Ingiriiska U Fadhiya Nairobi,. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Ingiriiska U Fadhiya Nairobi,.
October 6, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti uu hogaaminayo Safiirka Dalka Nairobi U fadhiya Ingiriiska.

DSC_0010DSC_0034DSC_0043DSC_0022

Kulan kaasi oo qaatay Saacado Badan ayaa Markii uu soo idlaaday waxa saxaafada uga warbixiyay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,Waxaana uu sheegay in ay kala hadleen Doorashooyinka iyo Horumaka ay somaliland ku talaabsatay.

Waxa uu sheegay in Madaxwaynaha somaliland iyo Wafti uu hogaaminayo Lagu soo casuumay Markab taagan Bada Berbera kaas oo ay leeyihiin wadanka Ingiriisku.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo arimahaasi faah-faahin ka bixinaya ayaa sheegay”

“Halkan waxaanu ku qaabilnay

Safiirkii Ingiriiska oo shir fiican Nala yeeshay saaka oo ka hadlay Arimo badan oo quseeya labada dal oo ay ka mid yihiin nabada galiyada labada wadan,Waxaanu ka wada hadalnay Shirka ka dhacaya Wadanka Ingiriiska oo Dawladaasi qaban-qaabisay somaliland kusoo Casuuntay kaas oo dad badani kasoo qayb galayaan.

Waxa uu sheegay wasiirka arimaha dibada somaliland Maxamed biixi Yoonis in Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo lagu soo casuumay Markab uu leeyaha Ingiriisku waxaana uu yidhi”

“Waxaad la socotaan in madaxwaynaha somaliland Bari Toole lagu soo casuumay Markab taagan tikada barbara,Kaas oo ah kii Sanadkii Hore aanu Tagnay oo kalaa,Waxaanu ka wada hadalnay oo kalena waxa ka mid ah Doorashooyinka iyo Halka uu marayo Horumarka uu dalka somaliland Maanta Taagan yahay.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Nairobi Ambassador Neil Wigan oo isna kulan kaasi ka hadlaya ayaa sheegay inuu aad ugu Faraxsan yahay inuu yimaado wadanka somaliland,waxaana uu sheegay in Madaxwaynaha somaliland iyo Watfiga la socdaba ay kusoo casuumeen Markab Taagan Marsada Dikada Barbara waxaana uu yidhi”

“Aad Baan ugu Farax Sanahay inaan Madaxwayne Siilaanyo Xafiiskiisa kulan kula yeesho,Isla markaasna kusoo casuumo Markab taagan xeebta Barbar,Somaliland waa Dawlada,kulan kii aanu la yeelanay waxa uu ku dhamaaday is af garad buux.

Si kastaba ha ahaatee Madaxwaynaha somaliland ayaa inta badan waftiyada Ay soo dirsato beesha caalamku Kulan la yeeshay walo Shirkaasna inta Badan aan warbaahinta waxa faah-faahsan laga siin,Waxaana Bilihii ugu danbeeyey kulamo Albaadbu u xidhanayeen Madaxwayne siilaanyo la yeeshay Wufuudo caalamka ka socda kuwaas oo aan si dhab ah Loo sheegin sababaha ay dalka usoo galeen.

Waxaana laga dhul sugi doonaa Kulanka uu Madaxwayne Siilaanyo Baritoole kula Yeelan doono Markab Dushiish Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Nairobi Sida uu shacabka uga warbixiyay Ujeeda ay dalka usoo gadheen

 

COMMENTS
LINKS