Kun hadaad weyday, ma kaar taad weyday ? (Q.1aad) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kun hadaad weyday, ma kaar taad weyday ? (Q.1aad)
October 27, 2014 - Written by Editor:

Saadaashu Wacanaa.
Sillanaa!!! Si kalena Habboonaa.
Sikhranaa!!! Sifaheedu Badanaa.
Kala Saari waayee?
23 kii sannee tegay miyay siddan ahayd uun?
Mise way Surgacan tahay?
Kala Saariwaayee Sifaheedu Badanaa?
Asaxaabtan Badaneey U saldhiga Su’aashani?
1:Wacanaa?
2:Sillanaa?
3:Sikhranaa?

4.Sikalena haboonaa?

 

Xildhibaan Sharaxanoo

Shaxaad Raadinaayoon

Koob shaaha haynbaan

Shalay soo arkee maqal !!!

Beeshaydan Badaneey

Barqudhaynu Wada nahay

Baashaa Sharaxanoo

Baashaalka Galabtii

Bishan oo dhan wuu socon !!!

Akhristayaal magacaygu waa geedi waxaan ahay nin kasoo jeeda beelweynta …………….marka hore aan iskiin baro dhamaan asxaabta ku bahowday Afka soomaaliga.
Sidaan hore idiinku soo sheegay magacaygu waaa Geedi waxaan kunoolahay caasimada Soomaalilaan ee Hargaysa.
waxaan kamid ahay ardaydii sannadkii hore ka qallin jabisay jaamacaddaha dalka,Waxaan ahay nin aad u daneeya horumarka Dalka iyo Dadka labadaba,

Waxaan ahay nin u Daneeya shacabka Soomaalilaan meelkasta oo ay joogaan.
Isbarasho kadib walaalyaal Waxaan ahay nin aad u fiira dheer aadna ula socda marba xaalada uu dalku kusugan yahay ama soo wajahda dalka.
Fiiro dheer iyo indha indhayn kadib akhristayaal waxay maal mahan dambe ishaydu qabanaysay Boodhadh waaweyn oo laga taagay Caasimda Soomaallilaan ee Hargaysa.
Akhristayaal waxaa boodhadh kaasi kuyaala “MUSHARAXA DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA SOOMAALILAAN MUDANE: QAWDHAN QAASAALI QALINLE IYO QAARKALOO LAMIDA.
Isla maalintaan arkay boodhkii koowaaad waxaan bilaabay sidii aan uga qayb gali lahaa doorashooyinkaasi soo socda, Ku darso oo da’daydu waa 20-25 inta u dhaxaysa !!!
Ku dhawaaqid kadib inaan musharax ahay asxaabtaydii qaar kamida ayaa igula taliyay inaan ka tanaasulo musharaxnimada ! Waa yaabe!!! dheg jalaq u maansiinin. waayo?
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ” nin meeli u caddahay, meeli kamadaw “. Anigu waxaan lahaa fikir aad u sarreeya oo wax ka arkaaya meel ili maqabatay ah.
Fikir kaygii ayaan siiwatay maalmo yar kadib waxaan is weydiiyay ?
Halkee boodhka laga samaystaa?
Oo imisaa lagu sameeyaa?
Oo imisa midh ayaan u baahanahay ?
Oo DR. ma iska sheegtaa hala ii codeeyee?
Maya Professor sheego?
PROF:Geedi Guuleed Gaaxnuug
Waxyar kadib waaxaa la ii sheegay in boodhadhka ay samayso SAGAL JET.
Waxaan markiiba buuqday xafiiska sagal jet, markiiba waxaan ku wargaliyay inaan ahay musharax u taagan doorashooyinka golaha wakiilada soomaalilaan ee dhawaan fooda inagu soohaya.
Is xog waraysi dheer iyo kaftan waxaan ka dalbaday inay ii daabacaan 100 istiikar ama boodh oo isugu jira waaweyn iyo yar-yar.
Is afgarasho kadib keen xildhibaan sawirkaagii aanu boodhka kuugu daabacnee?
Farxad markaan maqlay ereyga “xildhibaan” oo durba ma xildhibaan ayaan noqday?
Haa xildhibaan ayaad noqotay?
Maansha allah.
Markiiba sawirkii ayaan midigta kadhiibay oo aan CALI ABOOLE xalay kasoogalay. HOO waa kane !!
Muddo yar kadib la ii soo daabac.
Waa yaabe !!!

LASOCO —————QAYBTA 2AAD
W/Q:-Khadar muxumed muuse   {Koodh}

COMMENTS
LINKS