Komishankii Qaranka ,Xakamaynta Hiv/Aids ee Madaxwayne Siiranyo Gudoomiyaha ka Ahaa , Maxaa Galay?Sawiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishankii Qaranka ,Xakamaynta Hiv/Aids ee Madaxwayne Siiranyo Gudoomiyaha ka Ahaa , Maxaa Galay?Sawiro.
October 22, 2014 - Written by Editor:

Maamul xumo + madmadow Dhaqaale + Hirdanka Awooda Maamul = Calankii Qarank oo Birta Hoosteeda ku duuduuban

HARGEISA(Wajaalenews) Komishanka qaranka Ee Xakamaynta Hiv/Aids Waxa la aasaasay 2006 dii, waana haayada qaranka ee u xil saran xakamaynta, la dagaalanka iyo daryeelka dadka uu Asiibay xanuunku. Xafiiskan waxa gudoomiye ka ah madaxwaynahay Somaliland mud: Axmed maxamed maxamud siiraanyo. Inbadan dadku waxay is waydiiyan muxuu madaxwaynuhu gudoomiye u yahay, aan faahfaahino halkaa,

Dhismaha xafiiskani wax uu ka koobanyahay madaxwaynahay iyo todoba wasiir, kuwaas oo lagu magacabo boodka komishanka, waxaana gudoomiya madaxwaynahay.

Waxa kale oo jira xubno ka kooban shan (5). shantaa xubnood, waxa soo magacaaba dhamaantood madaxwaynaha. Xaga dawlada waxaana lagu magacaabay inay yihiin komishanka qaranka ee xakamaynta hiv/aid. Isla komishankaasi ayaa qabta hawsha maalin laha ah, una shaqeeya sidii agaasime iyo agaasime waaxeedyo, iyagaana qabta hawsha maalinlaha ah ee xafiiska. Tusaale ahaan:

xubin ka mid ah komishanka ayaa Agaasimaha guud (ED) ah.                                                                       xubin ka mid ah komishanak ayaa ah Agaasimaha waxda maamulka iyo lacagta ( ADMIN AND FINANCE) Dhismaha xafiiskaasi inuu dheeli tiranyahay iyo in kale dadwaynaha ayaan u daynaynaa jawaabta?, waxaanse xusi doonaa waxqabadka xafiiskan,

xafiiskan oo madax badani u kala danbay intuu dhisnaa, afar (4) agaasime ayaa soo maray, sida muuqatana marba marka ka danbaysa hoos u dhac ayaa ku yimaada,

Xafiiskan waxa ka gudoomiye ah prof: Cabdi Cali jaamac oo ah Nin loo hanwaynaa inuu waxqabad fiican leeyahay, taas oo uu ku kasbaday is casilaadii uu shaaciyay markuu ahaa Xildhibaanadii hore ee golaha deeganka caasimada hargaysa

komishanka aidska 3

Inta aynaan u gudo galin hawsha wayn ee qaranku u igmaday Iyo sida uu waxqabadkoodu yahay. Waxa jira maamul xumo gudahooda ah oo gaadhay gacan ka hadal iyo dagaal, taas oo Saamayn balaadhan ku yeelatay shaqaalihi. Waxayna sobobtay indad shaqadii ay hayeen laga fadhiisiyay, halka qaar kalena xilkii ay hayeen madaxwaynuhu ka qaaday..

 

qoraalkeenan kowaan waxaanu idin soo gudbin doonaa, muuqaalka xafiiska komishanka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS. Oo awoodi kari waayay inuu hagaajiyo calankii sudhnaa xafiiska ee astaanta u ahaa qaranka Somaliland, kaas oo sida sawrka ka muuqata hoos usoo dhacay, birta hoosteeda ayuu ku duuduubnyhay.

sawirka komishanka aidska 1

Hadaba waxa is waydiin leh ninka calanka hagaajin kari waayay muxuu qaban karaa ee kale?tani waa birta uu sudhnaan jiray calanka somaliand xiligan sida muuqaalka ka muuqata waxa hoos yaala calankii oo gogo ay

sawirka komishanka aids 2

 

 

Qoraalkeena danbe waxaanu idiin soo gudbin doonaa xogo faro badan oo ku saabsan xafiiska

LASOCO

WAJAALENEWS ,NET

STAFF WRITING

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS