Itoobiya Oo Sheegtay In Xidhiidhkay Maraykanka La Leedahay Fiican yahay Xilli dhawaan La Rasaaseeyay Safaaraddeeda Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Sheegtay In Xidhiidhkay Maraykanka La Leedahay Fiican yahay Xilli dhawaan La Rasaaseeyay Safaaraddeeda Maraykanka.
October 2, 2014 - Written by Wariye:

itoobiyaADDIS ABABA(Wajaalenews):- Wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa baahisay in xidhiidhka ka dhaxeeya maraykanka iyo Itoobiya uu aad u sii korayo, gaar ahaan dhanka ganacsiga, nabad ilaalinta iyo lidka aragagixisada.

 

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada, Dina Mufti, ayaa sheegay in Barack Obama uu arrinta garwaaqsaday mar uu kula kulmay New York ra’isulwasaaraha Itoobiya, Hailemaraim.

Xukuumda Washington ayaa dalka Itoobiya ku amaanta dadaalka ay ka samasay dhanka la dagaalanka saboolinimada iyo jahaliga. Maraykanka ayaa sidoo kale la dhacsan hawalaha nabad ilaalinta ee ciidamada Itoobiya ka wadaan Soomaaliya iyo K Suudan.

Dhanka kale, dawlada Maraykanka ayaa marmar walaac ka muujisa xaalada xuquuqda aadadamaha ee Itoobiya iyo xakamaynta saxaafada xorta ah. Itoobiya ayaa u sheegta maraykanka in ay ku dadaalayso sidii loo hagaajin lahaa xuquuqda aadanaha iyo ilaalinata xaqa saxaafada xorta ah.

 

Xukuumada Addis ayaa sheegatay in suxufiyiin la xidhxidhay faraha kula jireen fal dambiyeed balse aan lo qaban wax ku lug leh shaqadooda suxufinimo.

Dhanka kale 29-kii September ayaa rasaas laga maqlay Safaaradda Itoobiya ku leedahay Maraykanka.warbaahinta dunida iyo Mucaaradka Itoobiya ayaa arintaasi faafiyey balse Itoobiya sooma hadal qaadin

Waaxda sirdoonka ee Maraykanka ayaa baahisay in la qabtay nin loo malayanayo in uu riday rasaasta kadib markii ay heleen xog ah in safaarada horteeda laga maqlay rasaas.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in rasaasta laga riday gudaha deyrka safaarada balse markii hore ay ka bilaabatay meel ka baxasan xayndaabka safaarada.

Dhinaca kale, waaxda arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in ayna cidna wax ku noqon rasaasta islamarkaana qofkii rasaasta riday uu isu dhiibay ciidamada amaanka. Warbixinta ayaa intaa ku dartay, in ninkii isdhiibay aan la xidhin maadama u haysto xasaanada diblamaasinimo.

 

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS