|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Amartay Inuu Dalkeeda ka boxo Cali Khaliif Galaydh
October 23, 2014 - Written by Editor:Addis-ababa(Wajaalenews) Dawladda Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay Amartay in uu dalkeeda ka baxo Cali Khaliif Galaydh oo muddo dhawr cisho ah ku sugnaa caasimada Dalkaasi. Warar hordhac ah oo ka soo baxaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay amartay in uu ka baxo dalkeeda, hase yeeshee illaa hada si rasmi ah looma oga in uu ka baxay iyo dhinac uu u baxay toona. Cali Khaliif ayaa sheegay in uu dalka Itoobiya kaga qayb galayo shir beesha Caalamku Addis ababa ugu qabanayso maamulada Somaliya, kaasoo uu sheegay in lagu soo martiqaaday. ilo wareedyada warkan laga helay ayaa sheegaya Dawladda Itoobiya in ay cadaadis kala kulantay Xukuumadda Somaliland iyo Maammul-goboleedka Puntland, kuwaas oo diiddan magaca iyo maamul Goboleedka uu Cali Khaliif kaga qayb galayo shirka Addis ababa Related posts:DAAWO;-Abwaan Cabdi Qays Oo Gabay Cajiib Ah Ka Tiriyay Bandhiga Buugaagta Ee Xarunta Dhaqanka Hargay... Sharci-yaqaan Si Cilmiyaysan U Iftiimiyay Khaladaadka-Sharci Ee Ku Gadaaman Heshiiska Wasaaradda W... Khilaaf U Dhexeeya Hay’adda WFP Iyo Xafiiska Raashinka U Qaabilsan Xukuumada Oo Meel Xasaasiya Maray... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|