Inka Badan 40 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Ka Dhashay Qalalaasaha Yemen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Inka Badan 40 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Ka Dhashay Qalalaasaha Yemen
October 9, 2014 - Written by Editor:

Sanca(Wajaalenews) ;Inka badan 40 qof ayaa ku dhintay Qaraxyo culus oo ka dhacay dalka Yemen. Qarax ayaa ka dhacay Badhtamaha Caasimada Yemen ee Sanca, halkaasi oo la sheegay in Xuutiyiintu ku abaabulayeen Mudaharaad, halka qarax kalena lala beegsaday laba saldhig oo Militarigu leeyahay oo ku yaala Gobolka Xadrulmawt.

sanca

Qaraxyadan ayaa qayb ka ah qalalaase siyaasadeed oo wadankaasi ka taagan ka dib markii meelo badan ay qabsadeen Qabiilka Xuutiyiinta ah.Telefishanka Xuutiyiinta ayaa sheegay in Qaraxa ka dhacay Fagaaraha Taxriir ee Sanca uu dhacay wax yar ka hor wakhti taageerayaashoodu halkaasi ku qaban lahaayeen isku soo bax.

Qaraxyadan ayaa imanaya maalin ka dib markii madaxweyne Cabdurubux Mansuur uu uAxmad Cawad Bin Mubaarak u Magacaabay Ra’isal wasaaraha Yemen balse uu diiday inuu noqdo Ra’isal wasaaraha Yemen, isagoo ku sababeeyay Xuutiyiinta oo diiday kuna balan qaaday mudaharaado balaadhan inay kala hor imanayan.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Masuuliyada Qaraxyadan dadka badani ku dhintay in badan oo kalena ku dhaawacantay balse warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Kooxo xidhiidh la leh Al-qaacida la beegsanayeen Xuutiyiinta Shiicada ah.

Wadanka Yemen ayaa wakhtigan ku jira Qalalaase siyaasadeed oo ku salaysan Qabaa’il iyo Kooxo iskaga soo hor jeeda Sunniyiin iyo Shiico

 

COMMENTS
LINKS