Haday Mar Walba Been Uun Tahay Warkoodu Beenaalayaashi Hore Maan u Codeeyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haday Mar Walba Been Uun Tahay Warkoodu Beenaalayaashi Hore Maan u Codeeyo
October 8, 2014 - Written by Editor:

Waxaan olele iyo diwaan galin xisbiyada mucaaridku AANAY ugu daalin EE meesha taal ayaa ah mar hadii umada been uun aay u tahay beenaalayaashi hore in mar labaad loo codeeyo weeye ilayn beenaaleyaal cusub oo ooman umadu qaadi kari maysee. Xaqiiqda maanta SOMALILAND taala ayaa sidaas ah. Mar hadii kuwii hore beenteey codka umada ku heleen aanay marnaba oofin hadana inteey qabteen lamaba hayn. UCID baa u cadcadoo ninka a sharaxan wax umadu ku dooratoo oo u qarankani u qabtay ma jirto OO wax xil ah amaba dalka uu gashaday oo la carabaabo malaha public office ma qaban, markaa maxaan ku doorta mar hadii wax shaqo ah aanu dalka iyo umadaba anuu uba qaban. Su’aashaas qudhiisu Jamal Ali Hussein isma waydiin waxa umada codka kaga rabo uuku hanto kurisaga madaxtooyada amaba hogaanka dalka. Umada ninkii cod ka rabii marka hore ha noqdo nin dalka wax soo gashaday amaba in uun dalka si uun umaal gashay oo arimaha bulshada wax ku kordhiyey. Intaas oo sifooyin ah midna wax kama wato Jamal Ali Hussein. Umada u sacab tunta ee taagerta marnaba ismeey weydiin waxa aay ku dooranayaan iyo waxa aay ku taageerayaan toona.

adan deeq

Aduunka kama dhicin nin jagada madaxweyne isu soo sharaxa oo aan haba yaraatee public office aan kaba soo shaqayn. Arimaha siyaasada dalka muramada badan ka dhaliya ayaa wax yaabahan ka mid yihiin oo aanay marnaba bulshadu isba waydiin. Xataa saxaafadaha dalka ka jirii marnaba ma waydiin musharaxa UCID su’aalahan. Umada waxaan usoo jeedinayaa intaanay sacabka la hoos boodin musharaxa bal horta maxay ku dooranayaan ee wax qabad ah amaba aqoon ah ee aay u leeyihiin Jamal Ali Hussein. Aqoontiisa amaba bankiyada caalamiga ah ee uu kasoo shaqeeyey sifo maaha lagu hanto hogaanka qaranka ee maxaa tacab, amaba shaqo iyo dadaal uu galiyey dalka ayaa meesha taala een ugu aamina talada dalka. Siilaanyo mar waa usoo halgamay qarankan, dhismihii asaaska dowladnimada Somalilaand waa ka qayb qaatay mana koobi karo oo qoraal ku dhamayn maayo inta dadaal iyo tacab uu galiyey dalka ee u saamaxday inuu hanto hogaanka dalkeena, lakiin Jamal Ali Hussein Diwaanka qosalka ayaan odhan karaa caways ayuu umada si aad ah uga qosliyey.

 

ADEN DEEQ

 

COMMENTS
LINKS