|
|||||
WAJAALE NEWS
Guurtida oo u Badheedhay Inay Madaxtooyada Kula Safato Faro-gelinta Golaha Wakiiladda
October 27, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa markii u horeysay daaha ka rogay tuhunno hore oo tibaaxayey in Golaha Guurtidu aanu dhex ka ahayn khilaafka Dastuuriga ah ee soo kala dhex-galay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo ay dhinaca saaraan Xukuumadda iyo Xildhibaanadeeda Muxaafidka ah. Waxa’se tuhun-saarkani arrinkani soo shaac baxay Sabtidii Shalay kadib markii qaar ka mid ah Odayaasha Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtidu Xarunta Golehaasi ku qabteen Shir Saxaafadeed ay ujeeddadiisa ku fasireen mid ay Golahooda kaga difaacayaan eedo uga yimi aqalka Wakiillada, hase-ahaatee sida nuxurka hadaladooda ka dhadhamaysay u muuqday mid ay ku difaacayeen go’aanka Xukuumadda iyo Xildhibaanada xulafada ahi kaga soo horjeedaan habsami-u-socodka fadhiyada Golaha Wakiilladu ku gudanayaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Guurtidu si qaawan ugu weerareen Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaasoo eedda duristoodu ay ahayd mid ka baxsan dhaliilihii ay food-saarada uga dhigeen qabashada Shirkooda, waxana Xildhibaanada ay sida laf-jabka ah u weerarayeen Guddoomiye-yaashada Guddiga Garsoorka Iyo Guddiga joogtada ee Golaha Wakiilada, kuwaasoo SiilaanyoSaleebaan Xildhibaanada Golaha Guurtida oo ay ka mid ahaayeen koobnaa Xildhibaan Muxumed Aw Axmed, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa marka laga reebo Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo si xilkasnimo ku jirto u hadlay, waxay u muuqdeen kuwo Gaas iyo Kabriid kusii qabanaya murranka Dastuuriga ah ee dhex oogan Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada, sida uu ka dhawaajiyey Xildhibaan Dheeg oo sheegay in dhamaan Xeerarka Golaha Wakiiladu u soo gudbiyo dhamaan Guurtida ay dhamaantood yihiin kuwo khilaafsan Dastuurka, Diinta iyo Dhaqanka Suubaan, wallow Xildhibaan Dheeg aanu xujo u yeelin eeddiisaa. Dadalka iyo eedaha aan loo meel dayin Odayaasha ayaa dhanka kale marka la qiimeeyo waqtiga uu kusoo beegmay, waxa loo fasiran karaa inuu ahaa mid aan ku talo-galkiisu ka iman Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, hase-yeeshee ay Duqayda ku keentay tallo meel Dool ah uga timi. Geesta kale, waxay dhacdadani sii xoojisay farogelintii hore ee Golaha Wakiiladdu ka tirsanayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) iyo Guddoomiye-ku-xigeenkiisa Md. Siciid Jaamac, oo iyagu fure u ahaa khilaafka hadda cirka isku shareeray ee ka dhex aloosan Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada iyo jiritaanka eeddo Shir-gudoonka Guurtida ku xidhiidhinayey inay Madaxtooyada shuraako kula yihiin Dagaalka ka dhanka ah Golaha Wakiiladda COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|