|
|||||
WAJAALE NEWS
Garoomadii Xafada Jig-Jiga yar oo Wasaarada Waxbarashadu ku wareejisay Hayd Turkiya + weedha dhalinyarada.
October 13, 2014 - Written by Editor:HARGEISA (Wajaalenews); Ku dhawaad caasimada Somaliland oo ayku nool yihiin milyan ama inka badan ayaa guud ahaan waxa aad u xadidan adeegyada dhalinyaradu ku madadaalooto sida garoomada kala duwan ee kubadaha kala duwan lagu ciyaaro, iyo goobaha dhalinyardu araaha isku dhaafsadaanba.
Inkasta oo xukumadahii kala danbeeyay aanay arinkaa aad u danayn ayaa xukumadan imika talada haysa dheer tahay kuwii hore in looga baqo qabo in ay iibiso ama dano gaara dhaafsato goobihii soo hadhay ama naadirka ahaa ee lagu ciyaarsiin lahaa dhalinta da’ada yar. Midka mida xaafadaha Hargeisa oo Garoon la,aanta dhalinyara xaafada ibrahim koodbuur ayaa waxa la daristay in aanay haysan meelo ay ku ciyaraan taasi oo mudooyinkii udanbeeyay horseeday falal ku cusub kooxaha kubada, Dhawaan ayay hayd markii qaarkamida kooxaha ka dhisan xaafada jigjiga yar ay isku dileen garoon la,aan halkaana uu ku nafwaayay mid kamida ciyaartoyadii xaafada dilka iyo isku dhaca dhalinyarada ayaa waxa u sobob ah garoon la,aan iyo kooxkasta oo doonaysay in ay iyadu noqoto ta ku ciyaaraysa garoonka xaafada ugu wayn ee 31may iyo garoonka labaad ee u dhaxeeya garoonka Basketball ka iyo Xarunta agoomaha oo lagu wareejiyay haayada TIKA ee turkiga ah oo laqorsheeyay in ay ka fulindoonto Xarun Farsamada gacanta lagu barto. Waxa ilaa imika jeelka ugu jira rabshadahaa ay keentay Garoon La’aanta xaafada JigaJiga yar ku dhawaad 11 caruura oo da’adoodu u dhaxayso 12-15jir, oo u xidhan wiilkii yaraa ee dhawaan ku naf waayay, waxa kale oo ay seegeen dhamaantood dugsiyadii waxaanay qarka u saran yihiin in ay dhaqamo xunxun kazoo bartaan dadka kale ee ay xabsiga kulajiraan . Waxaa maalmahan siwayn loo hadal hayay islamarkaana lafilayaa in ay kacdoono ka yimadaan garoonka 31may ee xaafada degmada ibrahim koodbuur oo ah garoonka kaliya ee lay leedahay degmadaasi ay wasiirada waxbarashada iyo maamulka Xarunta agoomaha ay ku wareejiyeen qolooyin turkiya islamrkaana dhigaya doog si ay dhalinrada uga kireeyaan dhaqaale buurana kasoo galo warar ayaa daba usoo baxay kadib markii dhawaan ay marwo samsam ka hawaajisay in garoonkan iyo ka kubada gacantaba ay dhisayaan ganacsato turkiya . Waxaa gabi ahaanba aan jirin degmada koodbuur wax garoona Oo dhalinyaradu ku ciyaarto DHANKA KALE WAXAA ISNA ARINTAA BAAQ DHEER XUKUUMADA U DIRAY GUDOMIYAHA DHALINYARADA XAAFADA KOODBUUR LIBAAN MAXAMED CISMAAN. Anigoo ah libaan maxamed cismaan ahna gudomiyaha Dhalinyara xaafada koodbuur waxaan baaq cabasho ah Udirayaa xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo wasaarada ciyaaraha WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|