“Gabiley iyo roob galbeed midkoodna hadduu galbado gadaal uma soo noqdo” w/q. Aa.ciidle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Gabiley iyo roob galbeed midkoodna hadduu galbado gadaal uma soo noqdo” w/q. Aa.ciidle
October 25, 2014 - Written by Editor:

Sida lagawada warqabo waxaa baryahan sii kala sii-siibanaya dadwayanaha gobolka Gabilay iyo Xukuumadii ay soo doorteen,oo iskala sii dhacaya xaraar dheer oo haaddaan ah waxaana muuqata in hada waxii ka dambeeya u sii muuqda in ay Gabilay maamulkeedii faraha ka siibaxayo oo aad dareemayso inaanay dawladdu dan ka lahayn, waa run oo dan ka malaha shacabka reer Gabilayna dawladda dan kama laha, Laakiin cida ay tahay inay hagaajisato maamulka gobolku waa dawlada waayo waxaa ugu yaal kaalinta labaad ee dawladda Axmad Siilaanyo dakhliga ka hesho ee Kalabaydh oo ah kastanka ugu wayn Qaadka ee ay xukuumadu ka hesho dakhliga ,laakiin sida muuqata waxaa faraha kasii baxaya maamulka dawlada waxaa habeenkii ka taliya magaalada ciyaal u abaabulan qaab guruubo ah halisna ku ah amaanka dalka , Waxaanay sii marayaan inaanay dumarkii caanalayda ahaa soo gali karin magaaladda iyada oo lagu baadhanayo halkaasi mana jiro booliiska hawlagala gobolka Gabilay mana kala furan karaan laba xaafadood.

Badhasaabka gobolka Gabilay waa Mustafe Shine oo aan waxba kala socon xaaladaha gobolka Gabilay isla mar ahaantaana u jooga oo qudha ka hadalka xafladaha gobolka ka dhaca ,waxaanu hoosta xidhay guri fiilo ah oo qofka ku garaacana qori lagu qabanayo ,maayarka magaalada Gabilay Shucayb Maxamad Muuse isagu waxaabu isku haystaa in loo doortay cunida lacagta cashuurta masaakiinta laga soo ururiyo oo qalinkiisa iyo waraaqahiisu isku dul saaran yihiin qoritaanka cunista lacagta badhka soo hadhana waxaa uu kula soo ordaa madaxtooyada oo lacag lagu galo lana geeyo lacago.

Markii ay shacabkii waayeen cid dawlad ah oo ay kala hadlaan arrimahooda sida ammaanka iyo caafimaadka waxay gaadheen inay ku talaabaan cid wax u qabanaysa waxaana halkaasi iskadaba tagay laba wafti oo ka kala socda xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani oo loo soo dhaweeyay si qiiral caadi ah dadwaynaha reer Gabilayna ay muujiyeen rabitaankoodii siyaasadeed waxaana dhabarka loo sii jeediyay xukuumada maanta jirta ee uu madaxda ka yahay Axmad Siilaanyo markii la arkay siyaasadeedii

Hadaba Waxaanan kusoo gabagabynayaa maqaalkaygan inta aan ciwaanka uga dhigay ee ah “Gabilay iyo roob Galbeed tagay midkoodna haduu galbado gadaal uma soo noqdo”

Alla Maganne; ASMARA Ayaa Ka Dhow ADDIS ABABA

Weriye A. A. Ciidle, Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
LINKS