“Duni aakhiru samaan” qalinkii muna axmed cumar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Duni aakhiru samaan” qalinkii muna axmed cumar
October 29, 2014 - Written by Editor:

Koob shaah oo aad u kulul ayuu kolba “fiiq” ka siinayaa indhahana magaalada ayuu ku daawanayaa. Wuu yaaban yahay weliba aad ayuu u fajacsan yahay. Yaabku maanta uun kuma cusba ee waayadanba wuu yaabbanaa. Muxuu ka yaabban yahay? Wuxuu ka yaabban yahay wax walba! Magaalada ayuu ka yaabban yahay, dadkeeda ayuu ka yaabban yahay, dhallinyaradeeda ayuu ka yaabban yahay, nidaamkeeda ayuu ka yaabban yahay, axwaasheeda ayuu ka yaaban yahay.

Muna-Axmed-Cumar-Hargeysa

Oo muxuu ula yaabban yahay ee ka qaldan magaalada? Waxba kama qaldana ee dhowr wax ayaa isu gali la’. Su’aalo ciiddaa iyo camaarkaa ka badan ayuu is weydiinayaa. Sida ay wax u socdaan ayuu ka amakaagsan yahay. Sida ay wax ahaan jireen ayuu xusuus ku hayaa, sida ay wax noqon doonaanna ma saadaalin karo. ‘Duni aakhiru samaan’ ayaa afkiisa ka soo hadhay. Mar kasta ereygaa wuu isticmaalaa. Marka uu aad u yaabban yahay ha ugu isticmaal batee. Qolooyin badan oo uu maqaaxida shaaxa ka cabbo ku barjeeyaa waxa ay u bixiyeen odaygii ‘Duni Aakhiru Samaan.

Da’diisu toddoba tobnaad ayay kor u dhaaftay. Dhabarku wuu soo godmay indhahana si aad ah wax uga ma arko. Dhegaha laftooda aad wax uga ma maqlo. Maalintii loo wanqalay dhowr iyo toddobaatan sanno ayaa laga joogaa. Wuxuu u soo joogay waayo badan. Alla muxuu waayo soo maray. Khibradda iyo waayo-aragnimada uu deegaankiisa ka hayo cid kaleba kama hayso. Waa maktabad soconaysa. Sannadahan u danbeeyay ee uu talax gabay oo inankiisu magaalada u soo raray mooyee, noloshiisa badankeeda wuxuu ku qaatay miyiga. Waagii uu da’da yaraa wuxuu ahaa nin xoolo badan, wuxuu ahaa nin talada reerka gadhka u haya. Wuxuu ahaa dhaqan-yaqaan iyo odayga reerka.

Laba sanno ka hor maalinti uu magaalada u soo guuray aad ayuu ula yaabay nolosha magaalada taal. Marka laga yimaaddo magaalada dhaldhalaalkeeda iyo raaxadeeda wuxuu aad uga fajacay nolosha ay dadka magaalada deggani ku nool yihiin ee gabigeeduba dhalan rogan. Waxa uu Is barbar dhigay nolosha miyiga iyo tan magaalada taal. Waxa uu ka fajacay sida dhaqankii iyo xeerkii uu ku yaqaannay miyiga aan halkan looga isticmaalin. Wuxuu ka amakaagay sida aan danba looga lahayn waxyaabo aad ugu waynaa markii uu joogay miyiga.

 

Xergeeye maalmihii hore waxa uu moodi jiray in ay dadku af kale ku hadlayaan. Dhegihiisu waxay maqli waayeen af-soomaaligii saafiga ahaa. Af-soomaali waxyaabo kale ku dhex laaqan yihiin ayuu la kulmay. Waxa ay marnaba ishiisu qaban wayday gabadh xidhan hiddihii iyo dhaqankii qurxoonaa. Labbis aanu hore u arag ayuu ku arkay dumarkii magaalada. Wuxuu arki waayay weelkii iyo maacuuntii qiimaha badnayd ee uu yaqaannay. Xoolihii uu ku indho-doogsan jiray ayuu waayay.

‘Duni aakhiru samaan, Soomaaliba lama moodo dadkan’ ayuu hadal ku bilaabay, ‘Ummad waliba dhaqan ayay leedahay oo ay ku faantaa, toloow innaga keenii mee? Maxaynu kaga duwan nahay dadyowga kale? Cajiib’. ‘Odaygii duni aakhiru samaan maanta miyuu khafiifay sowka isla-sheekaysi bilaabay?’ ayay isa su’aaleen laba meel aan ka durugsanayn barta odaygu shaaha ku cabbayay ku barjaynayay.

Kaaf iyo kala dheeri! Isna wax ayaa u muuqda, dayac ayaa u muuqda, dhaqan-geddis ayaa u muuqda, soomaalinimadii oo sii lumaysa ayaa u muuqata, afkii oo sii abaaroobaya ayaa u muuqda, suugaantii hodanka ahayd oo sii baaba’ysa ayaa u muuqata, iyaguna odayga ayay la yaabban yihiin isna iyaga ayuu ka yaabban yahay!

 

Duni aakhiru samaan.

Muna Axmed Cumar

Hargaysa, Somaliland

 

COMMENTS
LINKS