Dood furan: Ma Qallinkaa Diiday, Ma Qabiil Kalaa, Ma Qaybiyaa Qaatay, Ma Qadarbaa, Mise Qiilbaad u haysaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dood furan: Ma Qallinkaa Diiday, Ma Qabiil Kalaa, Ma Qaybiyaa Qaatay, Ma Qadarbaa, Mise Qiilbaad u haysaa?
October 12, 2014 - Written by Editor:

Tobankii sano ee u dambeeyay, In ka badan afar jeer oo madaxda xisbiyadda laga codsaday inay soo magacaabaan xubno guddida doorashooyinka qaranka uga qayb gala, gudoomiye kastaa wuxuu keenay mid ay isku deegaan yihiin(isku beel yihiin) iyada oo ay jiraan xubno kale oo deegaano kale ah oo xaq siman la leh xubnahan.

Bal u fiirso, Madaxweyne Siilanyo wuxuu magacaabay :

1. Xirsi Cali X.Xassan

2. Cali Maxamed Cabdalle (Cali-Bikolo).

3. Marwo Ilhan Maxamed Jamac.(Saddex jeer ayuu madaxweyne Rayaale soo celiyey, markii dambena iyadana ayaa is casishay).

4. Cali-Khadar Xassan Cismaan

5. Maxamed Jamac Maxamed

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu magacaabay:

1. Axmed Maxamed Xaaji Daahir (Ina Bidaar, ILaahay ha u naxariisto)

2. Khadar Maxamed Guuleed

3. C/fatah Ibrahim Xassan,

4. C/fatah Ibrahim Xassan (marlabaad).

Inkasta oo gudoomiye C/rahmaan Cirro aanu fursado badan helin, hadana waxay u eegtahay in intii uu helay uu mariyey jidkii saaxiibadiisa kale jeexeen.

Gudoomiye C/raxmaan Cirro wuxuu magacaabay:

1. Dr Maxamed Cismaan fadal (laba jeer oo Cirro magacaabay, madaxweyne Siilaanyo ayaa soo celiyey).

2. C/raxmaan Cismaan Aadan (Sagal)

Miyaa laga waayey mid taariikh cusub sameeya oo cid aan beeshiisa ahayn keena? Ma dadkii gobolada kale ka soo jeeday ayaan shuruudaha buuxin?. Ma qaybiyaa qaatay baa? Ma gacantaa ka baratay?.Mise way aamini waayeen cid aanay isku hayb ahayn? Miyaanay wanaagsanaan lahayn in mid kastaa soo magacaabo xubin aan beeshiisa ahayn?

 

Dr.Mohamed-Culimo, mculimo@yahoo.com

 

COMMENTS
LINKS