Dhallinyarada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Hambalyo U Diray Eng Cabdiqaadir Iimaan Oo Loo Xulay Komishanka Doorashooinka Qaranka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhallinyarada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Hambalyo U Diray Eng Cabdiqaadir Iimaan Oo Loo Xulay Komishanka Doorashooinka Qaranka Somaliland
October 8, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Dhallinyaradda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa hambalyo iyo boogaadin u diray Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame Oo loo doortay inuu ka mid noqdo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

eng cabdiqaadir imanbaaq ka soo baxay dhallinyaradda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxay si weyn u ammaaneen, isla markaana hambalyo aan la koobi karin u direen Eng. Cabdiqaadir, kadib markii loo magacaabay xubanaha dhexdhexaadin doona doorashooyinka Qaranka Somaliland, taasoo ay Eng. Cabdiqaadir ku ammaaneen inuu yahay shakhsi ku suntan daacadnimo iyo deganaan shaqo.

sidoo kale, dhallinyarada ayaa baaqooda ku sheegay in kartida iyo firfircoonida uu leeyahay Enjiineerku ay u horseedi doonto inuu waajibaadkiisa shaqo u gudan doono si wanaagan.

ugu dambayn, dhallinyarada Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xubinta loo magacaabay guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland u diray duco ay Illaahay uga baryeen inuu ku asturo mas’uuliyadda xilka shaqo ee Qaranku u igmaday.

Waxa dhawaan, la soo gebagebeeyey magacaabista 7-da xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, kadib markii Golaha Guurtida Somaliland ay soo magacaabeen laba xubnood oo Eng. Cabdiqaadir ka mid yaha, halka Madaxweyanaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu isaguna magacaabay saddex xubnood iyo xubin ka socotay xisbiga mucaaradka ee UCID, balse waxa dib loo celiyey xubin ay magacaabeen Xisbiga mucaaradka ee WADANI.

Magacyada dhalinyarad gobolka maroodijeex

 

1; cumar cali bare

2;faysal daahir muuse

3;Cabdilaahi cumar faarax

4; Cabdicasiis maxamed yuusuf

5;xuseen xasan aw daahir

6; yaxye xaaji faarax

7 deeq cabdilaahi nuux

8;layla koosaar madar

9;umulkhayr cabdi yuusuf

10;muna dayib iimaan

COMMENTS
LINKS