Dhacdo Layab Leh Haweenay la Aasay oo Xabaasha ka Dhex Qaylisay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Layab Leh Haweenay la Aasay oo Xabaasha ka Dhex Qaylisay.
October 2, 2014 - Written by Wariye:

haweenay_qabri.jpgDhakhaatiir ka hawlgala cusbitaal la yidhaa Thessaloniki Clinic oo gabadhan baadhaya, ayaa sheegay in ay geeriyootay, iyagoo beeniyey in nolol lagu aasay gabadhan, saacado badanna mayd ahayd markii la aasay.

Haweenay u dhalatay dalka Giriigga oo dhakhaatiirtu ku dhawaqeen in ay dhimatay, kadib markii kansar aad u daran haleelay, isla markaana qoyskeedii aasteen, ayaa muddo yar markii laga sii maqnaa ka dhex qaylisay xabaashii lagu riday.

Ciidammada bilayska woqooyiga Giriigga, ayaa sheegay inay baadhitaan ku hayaan markhaati ay fureen shaqaale warshadda ka shaqeeya oo tibaaxay in haweenay nolosha lagu aasay ka dhex qaylisay xabasha, taasoo muddo saacad ka dib ah xabaashii lagu aasay ka hadashay.

Nin iyo laba qof oo kale oo shirkad sibidh booqday, halkaas oo lagu aasay gabadhan, ayaa bilayska u sheegay inay maqleen garaac iyo cod.

Dhakhaatiir ka hawlgala cusbitaal la yidhaa Thessaloniki Clinic oo gabadhan baadhay, ayaa sheegay in ay geeriyootay, iyagoo beeniyey in nolol

lagu aasay gabadhan, saacado badanna mayd ahayd markii la aasay.

“Ma aaminsani. Waxaannu ku samaynnay baadhitaanno kala duwan oo xagga wadnaha iyo jidhkaba ah.” Sidaa waxa tidhi Drs. Chrissi Matsikoudi oo la hadlaysay telefishanka Channel MEGA oo dalka Giriiga laga leeyahay.

Dhakhtaraddu waxa ay intaa ku dartay in qof muddadaas xannuunsanaayey oo geeri lagu sheegay aannu sidaas u garaaci karin sanduuqa lagu aasay.

Qoyska gabadhan ayaa cabasho ka dhan ah dhakhaatiirta u gudbiyey booliska, iyagoo sheegay inay kansarka ka dawaynaayeen, warbixintaas beenta ahna dhiibeen.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS