Dawladda Somaliya Oo Hargeysa Ka Kireysatay Xafiis Qarsoodiya Iyo Ciidamada Laanta Socdaalka Oo Madaarka Ku Qabtey Qalabka Lagu Sameeyo Baasaaboorrada & Ninkii Sideysayba | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Somaliya Oo Hargeysa Ka Kireysatay Xafiis Qarsoodiya Iyo Ciidamada Laanta Socdaalka Oo Madaarka Ku Qabtey Qalabka Lagu Sameeyo Baasaaboorrada & Ninkii Sideysayba
October 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews ) Ciidamada laanta socdaalka ee Somaliland, ayaa shalay Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ku qabtey qalabka lagu Farsameeyo Baasaaboorka dalka Soomaaliya ee loo yaqaanno (E-Pass port), kaasi oo la doonayey in la soo geliyo Magaalada Hargeysa.

Ciidamada laanta socdaalka, ayaa la sheegay inay qabteen ninkii watay qalabkaasi, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Cabdiqaadir isla-markaana la wariyey inay is xigaan Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ma jiro war arrintan la xidhiidha oo ka soo baxay ciidamada laanta socdaalka ee Somaliland, laakiin ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Somalilandtoday u sheegay in ciidamadu ku guuleysteen inay qabtaan qalabkaasi oo la doonayey in la dhigo guri looga kireeyay Magaalada Hargeysa, kaasi oo loogu talo-galay inuu noqdo xafiiska laanta socdaalka ee dawladda Soomaaliya ku leedahay gudaha Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, si markaasi loogu sameeyo Baasaaboorka Soomaaliya.

madaarka

Warka uu helay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa intaasi ku daray in ninka lagu qabtey qalabkan uu doonayey inuu ku wareejiyo nin Magaciisa lagu sheegay Asad Aaden oo lagu waday inuu noqdo Wakiilka Laanta socdaalka Soomaaliya u jooga Hargeysa.

Lama sheegin in la qabtay ninka qalabkan loo siday, laakiin waxa la tilmaamay in ninkii lagu qabtay isla shalay damiin lagu sii daayey, inkasta oo aan la garanayn cidda damiinatay ninkan dalka soo galiyey qalabkan la doonayey in lagu sameeyo E-Baasaaboorka dalka Soomaaliya.

Tallaabada ciidamada laanta socdaalku ku qabteen qalabkan isla-markaana ku fashiliyeen qorshaha dawladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay gudaha Somaliland ku samayso Baasaaboorkooda, ayaa noqonaysa mid muhiim ah.

 

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday

COMMENTS
LINKS