Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley Oo Tahlikari Waydey Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha oo Bishii Labaad Wali Aan la Siinin iyo Dakhli ka badan 30milyan Oo Maalintii Soo Gala | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley Oo Tahlikari Waydey Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha oo Bishii Labaad Wali Aan la Siinin iyo Dakhli ka badan 30milyan Oo Maalintii Soo Gala
October 14, 2014 - Written by Editor:

Gabiley(Wajaalenews)dawlada hoose ee degmada gabiley oo ka mid ah dawladalaha hoose ee dalka ugu dakhliga badan, ayaa awoodi weydey inay shaqaaleheed sii soo mushaaraadkii bilaha ahaa ee ay qaadan jireen.

shaqaalaho weynaha ka hawla gala dawlada hoose ee degmad gabiley ayaan musharaaadkoogii qaadan bishaa laabaad wali, hadaba su,aalaha aya dadweynuhu isweydiinayaan ayaa ah lacagta soo gasha dawlada hoose ee gabiley xageebay martaan?

dalwada hoose ee degmada gabiley ayaa waxaa maalin kasta soo gasha lacag ka badan 40milyan oo somaliland shiling ah oo u dhigan ta $7000, halka bishii ay soo gasho lacag dhan ( $210,000), oo ay maanta shaqaalihii dawlada hoose ay ka mushaar laayihiin

safarka maayerka degmad gabiley uu ku tago dalka dibadiis ayaa waxaa ku baxda lacago xad dhaaf ah oo laga saaro qasnada dawlada, safardaasi oo aan habayatraatee waxa f,iido ah uga soo kordhiga gobolka iyo degmadaba.

 

dadka safarada maayerka qiimaya ayaa ku tilmaaya safaradiisaa kuwa dalxiisa ah oo aan qaranka iyo gobolkaba waxa faa,iido ah u layahay

 

sidoo kale sanduuqa lacaga lagu shubo ee ay dawlada hoose ee degmada gabiley ku leedahay bangiga gabiley ayaa dhamaantood madhan, halka bandhiguna uu lacago deyn ah ku leeyahay

si kasta ha ahaatee dakhligan faraha badan ee soo gala dawlada hoose ee degmada gabiley ayaan la garaneyn meel uu maro iyo waxa lagu qabto toona

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS