Dawlada Denmark Oo Bulshadeeda Uga Digtay Inay U Baqoolaan 28 Dal Oo Ay Soomaaliya Ku Jirto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Denmark Oo Bulshadeeda Uga Digtay Inay U Baqoolaan 28 Dal Oo Ay Soomaaliya Ku Jirto
October 5, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Dawlada waddanka Denmark ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay Tagaan 28 dal oo ay kujirto Somaliya ,sida uu sheegay afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Denmark Ole Egbreg mar uu lahadlayay wargayska Politike ee kafaalooda arimaha ay kamid yihiin Siyaasadu kana soo baxa Colenhagen.

denmark

denmarkEgeberg ayaa sheegay inay dalalka ay muwaadiniin tooda ugadigeen inayna tagin ay kamidyihiin Afghanistan iyo Saudi Arabia, isagoo sheegay in sababta ay ugu diideen dadkooda inay 28-kan waddan booqdaan ay tahay khatar kaga imaan karta muslimiinta ku nool dalalkaas.

“Diyaaradaheenna dagaalka waxay ka qaybgalayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS, sidaa daraadeed waxaan uga digaynaa muwaadiniinteenna in ay ka digtoonaadaan khataro kaga yimaada muslimiinta dalalkaas ku nool oo ay dhici karto inay ka caroodaan ka qaybgalkeenna dagaalka lagula jiro ISIS,” ayuu yiri Ole Egberg.

Ma uusan sheegin wasiirku in dadka ajaanibta ah ee dalalkaas kasoo jeeda, balse haysta dhalashooyinka Denmark ay ku jiraan kuwa looga digay inay booqdaan dalalka muslimka ah.

“Waxaan si gaar ah uga digaynaa muwaadiniinteeda inay booqdaan Somalia oo ay ku sugan yihiin kooxo xiriir la leh ISIS, kuwaasoo ay dhici karto inay si toos ah u beegsadaan iyagoo ka careysan howlgalka ka dhanka ah kooxda,” ayuu hadalkiisa raacliyay afhayeenka wasiirka arrimaha dibadda Denmark.

Ugu dambeyn, afhayeenka wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark ayaa intaas ku daray in dalalka ay ka digeen inay muwaadiniintooda booqdaan ay kala yihiin; Afghanistan, Bahrain, Burkina Faso, Egypt, India, Indonesia, Iraq, Iran, Jordan, Kenya, Lebanon, Libya, Malaysia, Mali, Mauritania, Morocco, Niger, Nigeria, Palestine, Pakistan, Philippines, Saudi Arabia, Somalia, Syria, Tunisia, Turkey, United Arab Emirates iyo Yemen.

COMMENTS
LINKS