|
|||||
WAJAALE NEWS
Dakhliga Gobolka Gabiley Iyo Aqoondarada Xoghayaha Dawlada Hoose Waata Horseeday musuqmaasuq iyo Nacaybka Xukuumada Siilaanyo Ee Bulshada Reer Gabiley;
October 28, 2014 - Written by Editor:GABILEY(Wajaalenews) Deegaanka galbeedka khaasatan G.Gabiley ayaa waxaad ka soo baxayey bilahan danbe inay taageeradii kala noqdaa xisbiga muxaafika ah ee talada dalka gacanta ku haya ee Kulmiye. Taasi oo inta badan loo sababeeyo balanqaadyadii uu xisbigu u balanqaadey wakhtigii uu ololaha doorashada ku jirey taasi oo dadweynaha G.Gabiley ay iyagu ka soo baxeen balantoodii codadkii ugu badnaana ay siiyeen xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye. HADDABA MAXAY BALANQAAYADAASI U BEENOOBEEN? Su,aasha kor ku xusan waxay kala kaxaysey shacab iyo xukuumad istaageersanaa waxay meesha ka saartey wajiyo badan oo kalsooni isku qabay waxay iska horkeentey dad isku fiicnaa sida su,aashan looga jawaabayaana waxay u baahantahay in (Research) cilmi baadhis laga sameeyo si looga jwaabo. Aniga ayaa iskay isugu xilsaarey cilmi baadhisna ka sameeyey jawaabta su,aasha oo qodobo muhiima ku xidhan in loo soo maro
Haddaba badhasaabka isagu inta badan ama shaqadiisu waxay tahay oo u horeeya ilaalinta xasiloonida guud ahaan gobolka mana laha ilo dhaqaale oo uu wax ku dhisi karo.
Maayirka waxaan la wada socnaa ilaa maalintii la soo doortey waxaa gobolka hadheeyey hadal haynta musuqmaasuqa caydheeyey gobolkii hodanka ahaa lakiin isagu waa nin la soo doortey wixii loo soo doorteyna waa laga sugayaa wixii uu qabtaana waa la arki doonaa.
Xoghayah Dawlada Hoose : waa xubinta dawlada dhexe ama xukuumaada uga masuula hawlaha dawlada hoose waa xubinta xakameyn karta maayirka waa xubinta muujin karta horumarka waa xubnita beeneysey balanqaadkii kulmiye waxaa uu awoodaa in hantida faraha badan ee ka soo baxda gobolka uu ku sameeyo kolba wixii uu awoodo ee ka mida balanqaadyadii xukuumada ileen isagaa matalaye xukuumadiiye lakiin muxuu magaalada gabiley ka qabanba shaqaalihiisii ayaa mushaharkii aan la siinin taasi waa sii kalafogeynta xukuumadda iyo bulshada reer gabiley. Intaasba lakiin waxaa ka horeeya shakhsiyaga xoghaya ahi aqoontiise waa ilaa heerkee taasi jawaabteedu ma adka oo waxaa aan qarsoominba aqoonbaa jirta aqoonla,aanta iyo jaahilnimada xoghaya D/Hoose ee gabiley waa ta iska horkeentay ee is nacsiisey xukuumadii iyo shacabkii reer gabiley mida kale dhammaan xoghayayaasha degmooyinka A iyo B ah waa ninka ama xooghayaha ugu Aqoonta hooseeya.
Taasina waxaa makhraati ka ah waa ninka yidhi maayirkii ayaa musuqmaasuq sameeyey dadkana ugu sheekeeya in maayirka laga cabanayo waa yaabe isagu miyaanu ahayn ninka jeeg kasta oo baxaya la saxeexa maayirka ?
Waxaan haddaba xukuumada kulmiye u soo jeedinayaa talo haddii ay rabto inay kasbato qalbiyada bulshada ku dhaqan inay shaqsi aqoon iyo waaya arignimaleh oo hirgalin kara balanqaadyadoodi wakiil buuxana ka noqonkara maayirkana xakameyn kara u magacaabaan xoghayaha D/Hoose ee gabiley.
Walibana loo diro Audit baadha musuqmaasuqa caydheeyey gobolka hodonka ah ee daqaalaha soo saara haddana ka aradan.
Eng Habane Hargeisa Somaliland
Related posts:DAAWO; Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Bulshada ku Dhaqan Deegaanada Ceel bardaale, Sitiile Iyo Laaca... “Khilaafka Jabuuti Iyo Muqdisho Ayuu Mawduucu Ahaaye Ma Waddani Edit-gareeya Saab. Tii ka Daba Tuurk... DAAWO: Wasiir Cukuse Oo ilaaway Xiliyada Qaar Wuxuu Qori Jiray Soona Saaray Go’aamo ay Saxaafaddu Li... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|