|
|||||
WAJAALE NEWS
Dadweynaha Reer Somaliland oo Cabasho Xoogan ka Muujinaya Nidaamka Socdaalka iyo qaadashada Baasaaboor Somaliland-ka cusub;
October 7, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews ) Dadweynaha Reer Somaliland ee socotada ah ayaa toddobaadkan culays kala kulmay nidaamka bixinta baasaaboor Somaliland-ka cusub, kaasoo ay kala kulmeen wasaaradda Arrimaha gudaha kadib markii ay isgaadheen dadka doonaya inay ku safraan. Dad badan ayaa shalay hor dhoobnaa wasaaradda Arrimaha gudaha wallow markii danbe loo fududeeyey, hase yeeshee waxay cabasho Xoogan ka muujinayeen dadkaasi Saxeexa masuuliyiinta awooda u leh bixinta baasaaboorkaas oo muddo badan ka haysta ama ay waayaanba mararka qaarkood. Sidoo kale, waxay caqabadii ka dhalatay isticmaalka baasaaboorkii hore iyo ka danbe oo la sheegay inay is bar bar socdaan, taasoo keentay in ay masuuliyiinta Safaaradda Itoobiya ka dalbadaan Xukuumadda Somaliland labada baasaaboor ka ay Fiisaha ku siinayaan Muwaadiniinta Somaliland. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay Xukuumadda Somaliland in ay si rasmi ah u joojisay isticmaalka baasaaboorkii hore ee Somaliland, sidaas daraadeed Fiisayaasha lagu dalban karo oo kali ah ka cusub. Wararka la xidhiidha caqabadaha soo waajahay dadka Qaatay Baasaaboorka cusub ee Somaliland ayaa sheegaya in aanay akhriyeyn kumbuyuutarada laamaha Socdaalka ee madaaradda yaalaa, iyagoo ku sifeeyey inaanay haynin Xogta ama macluumaadka ku duugan baasaaboorkan maadaama aanay aqoonsanayn Dunidu. Qaar ka mid ah dadka qaatay ayaa ku dooday muuqaal ahaan in uu yahay mid casri ah oo la mid ah kuwa Dunida Imika laga isticmaalo balse Ictiraaf la’aanta haysataa aanay wax badan macnawiyan ka duwayn kii hore ee la bedelay maadaama aanay qalabka madaarada yaalaa aqoonsanayn sharcinimadiisa. Bedelaada Baasaaboorkii hore ayaa lagu xidhay lacag ka badan tii hore ee la siisan jiray baasaaboorkii hore, waxaanu muwaadinku bixinayaa $150, halka markii hore uu ka ahaa $100, waxaanad soo qoranaysaa Codsi. Si kasta ha ahaatee, Wasaaradda arrimaha gudaha iyo masuuliyiinta ku shaqada leh arrimaha Socdaalka iyo bixinta baasaaboorka cusub waxa looga baahan yahay inay dadweynaha socotada ah cabashadooda si dhakhso ah wax uga qabtaan. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|