DAAWO;Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaarada Xanaanda Xoolaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaarada Xanaanda Xoolaha
October 26, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta isaga oo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo oofinayana mid ka mida balamihii uu shacbiga somaliland u balan qaaday ee ay ka mid ka ahayd dib u dhiska iyo horumarinta qaranka ayuu xadhiga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo ay wasaaradda Xanaanada Xooluhu ka hirgelisay gudaha wasaaradda Xanaanada xoolaha.

http://youtu.be/EP6nBiXeYLU

Madaxweynaha oo Xafiis walba oo ka mida dhismaha cusub soo kormeeray ayaa waxa uu ku amaanay wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo dhamaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda, sida sharafta iyo xilkasnimada leh ee ay uga qaybqateen sidii ay u heli lahaayeen dhisme sidan oo kale u qurux badan iyo shaqaale tayeysan oo ay ka muuqato haybadii shaqaalenimo sida maanta idinka muuqata ee aad heegan ka ugu tihiin wasaaradda.

Intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay goobtii loo asteeyey in xaflada furitaanku ka qabsoonto halkaasi oo ahayd meel aad loo qurxiyey kana duwanayd xafladihii hore ee sidan oo kale ahaa iyada oo madaxweynaha lagu soo dhaweeyey caano geel dhay ah, kuwaasi oo dhamaan martidii goobtaasi joogtay lagu casuumay halka maanta aan goobtaasi lagu arag buskud, Keeg, Nacnac, Saanbuuse IWM toona.

 

 

COMMENTS
LINKS