|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxweynaha Jsl Mudane Axmed Silaanyo iyo wefti uu hogaaminaayo oo maanta dalka ka dhoofay.Sawiro
October 10, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminaayo waxa ay ka qaybgelayaan Shir Caalamiya oo lagu qaban doono Ingiriiska kaasi oo lagaga hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga Somaliland. Madaxwaynaha Somaliland, uu Magaalada London kaga qayb-galayo shir caalamiya oo ay isugu imanayaan dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland, isla-markaana ay qaban-qaabisay shirkadda caalamiga ah ee DMA (Developing markets associates), kaasi oo loogu talo-galay in lagaga hadlo ganacsiga Somaliland iyo hababka ugu fudud ee loo maalgashan karo Somaliland, kaasi oo furmaya 14-ka bishan.
Shirkadda ayaa hore u baahisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti isugu jira wasiirro iyo ganacsato, ay ka qaybgeli doona shirkaasi oo aad muhiim ugu ah Somaliland. Shirkadda DMA ee gacanta ku haysa qabsoomidda shirka maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland ee ka dhacaya London, waxa maamulkeeda xubno ka ah siyaasiyiin, dhaqaaleyahanno, diblomaasiyiin iyo khubaro kala duwan oo xilal sare ka soo qabtay dawladda Ingiriiska, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Mr. Henry Bellingham oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Afrika ee UK ilaa bishii September 2012. Waxa kaloo ku jira siyaasi la yidhaa Roger Martin oo ahaa xoghayaha arrimaha siyaasadda u qaabilsanaa laba ra’iisal-wasaare oo soo maray Britain iyo xubno diblomaasiyiin ah oo xilal safiirnimo ka qabtay waddamo adduunka ah. WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Gudoomiye Saleebaan Oo Golaha Wakiilada Dib Ugu Soo Celiyay Xeerkii Ay Usoo Gudbiyeen Iyo Xildhibaan... DAAWO; SHeekh Aadansiiro oo khudbadii jimcaha Kaga hadlay Tilmamaha Hoggaamiyaha Somaliland u baa... Wasaarada Caafimaadka Oo Shacabka La Wadaagtay Xogta Xanuunka Xumada Oo Dad Badani Ujiifaan Cisbitaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|