Daawo ;Wasiirka Maaliyada Oo Safar Ololaysan ku Tagay Magaalada Gabiley Balamo Mala Awaalana Ku Beerlaxawsaday Bukaan Jiifka Dhakhtarka iyo Xarunta Agoomaha’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo ;Wasiirka Maaliyada Oo Safar Ololaysan ku Tagay Magaalada Gabiley Balamo Mala Awaalana Ku Beerlaxawsaday Bukaan Jiifka Dhakhtarka iyo Xarunta Agoomaha’
October 10, 2014 - Written by Editor:

Gabiley(Wajaalenews);DAAWO Wasiirka Maaliyada SomaliLand Cabdicasiis Muxumed Samaale Ayaa dhawaan ku Waabariistay Magaalada gabiley kaasi Oo aanay ku wehelin cidkale oo ka tirsan xukuumada siilaanyo

 

Safarka Wasiir Samaale ayaa ahaa mid olole siyaasadeeda ah Kaasi oo madaxwayne siilaanyo loo tusayo in wali reer gabiley taageersan yihiin socdaaladan xusbiyada mucaaridkuna aanay wax samayna ku yeelan.taageeradii xusbigiisa

Madaxwayne siilaanyo ayaa gobolka gabiley wuxuu u wakiishay Samaale taasi oo micnaheedu tahay in aan Reer Gabiley lahayd siyaasi wax lagu aamini karo inta xilka haysana dhamaantood wakiil kayahay wasiirka maaliyadu

Samaale ayaa isagu shalay muujiyay awood maroorsi isagoo soo kormeeray xafiisyo aanu maamulin wasiiradoodiina joogaa sida Wasiirka Caafimaadka ,Wasiirka waxbarashada

Hadaba bulshada reer gabiley ayaa iyagu aad ula yaabay ujeedada madaxwayne siilaanyo uu gabiley u igmaday cid aan matalin kuna tagri falaya cashuurtii laga qaaday danyarta kunool gabiley kana dhigayo in uu caruurta agoomaha wax ugu deeqay taasi oo cay ku ah damiirka dadka reer gabiley

Wasiir Samaale ayaa u muuqda mid kasoo horjeeda cidkasta oo Sirasmiya uga shaqaynaysa rabitaanka bulsha waynta reer Gabiley. dadka reer gabiley ayaa iyagu xiligan usii jeeda xusbiyada mucaaridka kana quustay xukuumada siilaanyo oo iyadu cid aanay donayn ku qasabtay hogaana uga dhigtay

Wasiir Samaale ayaa xili uu miisaniyadii 2015 gudbiyay ku Beerlaxawsaday xarunta agoomaha iyo dhatarka gabiley in uu Ugu dari doono miisanid su aasha ayaa ah xilima ayuu ugu Darayaa mata 2016 xiligaa oo ay dhacaysaba xukuumada Siilaanyo oo ah mid wakhtigeedii dhamaaday

Siilaanyo ayaa gabiley wakiil uga dhigtay cabdicasiis muxumed Samaale oo isagu u cadaalad samayn kari waayay beeshiisa iyo dadwaynaha degmada Allaybaday isagoo xukunka degmada allaybaday kusoo koobay raaskiisa hoose taasi oo lafilayo qaybo kamida beeshisu in ay dhawan shir iskugu yimaadaan kana tashandoonaan xaqiiqda dhabta ah ee degmada allaybaday iyo xukuumada

Dhawaan ayay ahayd markii xusbiga mucaaridka ah ee wadani ku biireen xubno miisaanle oo kamida beesha wasiir samaale

Wasiir samaale ayaa isagu gacanta ku haya maayirada magaalooyinka gabiley iyo wajaale kuwaasi oo uu adeegsado Hadba waxa uu isagu doonayo waxana xusidmudan in xataa xoghayayaasha labadan magaalo kamid yihiin maxmiyada Samaale lamana badalo dhaqaalaha magaalooyinkana waxay ku Qabtaan kalaqaybinta bulshada iyo dhameel ay siiyaan caaqilada si ay u qaataan awaamiirta sh,samaale

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS