DAAWO: Sawirrada Munaasibada Qalinjebinta Dufcaddii Shanaad Ee Jaamacadda International Horn University (IHU) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO: Sawirrada Munaasibada Qalinjebinta Dufcaddii Shanaad Ee Jaamacadda International Horn University (IHU)
October 1, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka qayb-gashay Munaasibad loo qabtay Dufcaddii Shanaad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda International Horn University (IHU) ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka kooban 70 Arday oo  wax ka bartay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddu ka kooban tahay.

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa,  waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyo Masuuliyiin, Madaxdhaqameed, Culimo Aw Diin, Aqoonyahano, Waalidiin, Arday Iyo Maamulka Iyo Macalimiinta Jaamicada Geeska.

 Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sh Almis Yaxye X Ibraahin oo ugu horeyn xafladaasi ka hadlay ayaa ka xogwaramay ahmiyada iyo qiimaha waxbarashadu ka geysatay horumarinta iyo xadaaradda bulshada. Sh Almis waxa uu sheegay inay farxad weyn u tahay qalinjabinta 70 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo muddo 5sano ah wax ka baranayey kuliyadaha kala duwan ee jaamicada geeska.

Sh Almis waxaanu u mahadnaqay waalidka iyo macalimiinta ardaydaydan tacabka badan soo galiyey waxaanu sheegay in loo baahan yahay in ardaydan ay ku dadaalaan sidii cilmiga u korodhsan lahaayeen, isla markaana uga midho dhalin lahaayeen aqoontooda, sheekhu waxaanu kula dardaarmay ardayda qalinjabisay inay yeeshaan kalsooni, geesinimo iyo wadaniyadba.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa u mahad naqday maamulka,macalimiinta, waalidka iyo ardayda jaamicada geeska, waxaanay sheegtay in aad ugu faraxsantahay kasoo qayb galka xaflada qalinjabinta dufcadii shanaad ee jaamicada geeska.

Wasiir Samsam waxay sheegtay in jaamicada geeska ay kaga qiimo badan tahay jaamicadaha kale ee dalka ku yaala inay leedahay kuliyad aanay lahayn jaamicadaha kale oo ah kulliyada Qur’aanka kariimka ah.

Samsam intaasi ka dib waxay si qoto dheer uga warantay faa’iidada waxbarashada, iyo qiimaha dadka waxbartaa u leeyihiin dadkooda iyo dalkoogaba.

Marwo Adna Adan, Prof Suleymaan, Suldaan Axmed Daahir, Suldaan Siciid Iyo xubno ka mid ah maamulka, macalimiinta iyo waalidka ardeyda ee kasoo qayb galay xaflada qalinjabinta dufcadii shanaad ee dhamaysata waxbarashada heerka koowaad ee jaamicada Geeska, ayaa khudbado qiimo leh oo ku aadan dhiirigalinta iyo dadaalka ardayda, iyo sidii cilmigooda uga faa’iideyn lahaayeen dadkooga iyo dalkooga iyagoo talooyin dhaxalgal ahna u gudbiyey ardayda, waalidkana kula dardaarmay inay ubadkooda waxbaraan wiilal iyo gabdhoba.

Gabagabadii Wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ayaa shahaadooyinkii gudoonsiisay ardaydii dhamaysatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamicada Geeska (IHU).

IHU

IHU 2

COMMENTS
LINKS