Carruur iyo Cirrooleba Ciid Mubaarig | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Carruur iyo Cirrooleba Ciid Mubaarig
October 4, 2014 - Written by Editor:

Waxaa jira dadbadan oo ayna u suuro galin in ay caafimaad qab ku ciidaan,Waa illaahay mahadii mar hadaynu ciidii Carafo gaadhney inagoo nabada oo caafimaad qabna,

Taasna waa mid illahay stw loogu xamdiyo nimcooyinkiisa faraha badan,

Balse waxaa haboon in maanta la ogaado ama la xasuusto in ay jiraan dad  badan oo ayna u suuro galin in ay inala ciidaan,

waxaa ka mida dadka xanuunsanaaya

waxaa  jira dad badan oo dhakhtarada yaala oo u baahan in ay ehelkooda iyo ubadkooda la ciidan balse Illahay STW ayaana u suurto galin,

waxaa jira dad badan oo jeclaa in ay sanadkan ku soo ciidan halka Barakaysan ee Xajka,

Hase ahaatee manta umay suuro galin in ay ku soo ciidan halka ay rabeen,

Maliintii ciida ay ka hadsaneyd dhawr cisho waxaan tagay qaar ka mida suuqyada Magaalada Hargeysa si aan u soo indho’indheeyo sida ay dadku uga adeegganayaan suuqyada Magaalada Hargeysa,

Sifiican ayay dadku wax u kala iibsanayeen waxaa jiray waalidiin badan oo wata carruur  aad u yar yar oo ay u iibinayeen dharkii ay ku ciidi lahaayeen iyo qalabkii farxada ciida,

Marka aad u dhaadhacdo qiimaha lagu kala iibsanayay dharka way kala duwanayeen qofba waxa uu awoodo ayuu u iibinaayay carruurtiisa,

Taas waxay igu kaliftay in aan wax ka ogaado bal qiimaha ku kacaayay qofkiiba ama ilmihiiba inta uu qaadanayo dharkiisa iyo qalbkiisa ciida,

Markii aan wareystay dhawr waalid oo ubadka u iibinaaya agabka ciida  waxaan arkay qaar ubadkooda qofkiiba ku ciid siinayaan lacag dhan $100 illaa $50  halka ay qaarna ku iidsiinayeen wax ka sii yar ama ka sii hooseeya,

Haba taas waxay igu kaliftay in aan u kuur galo xaaladaha nololeed ee dadka dan’yarta ah. ma helaan ama ma u awoodaan in ay ubadkooda farxad kula ciidan oo ay ka farxiyaan carruurta?  waa maya waxay ii sheegeen in ay iskaba daa ciidan oo kaliyee ay caadeysteen in ayna dhawr ciidood oo kale ayna ciidin iyaga iyo ubadkooda,

balse waxaa ii suurto gashay in aan la kulmo Hooyo haysata carruur tiro badan kuwaas oo aan Aabana lahayn balse ay iyadu hooyo iyo Aababa u tahay,

Hooyadan maalintii oo dhan way soo xoogsataa si ay ubadkeeda ugu soo saarto quutal’daruuriga ay ku noolaan lahaayeen,

Ma haysato cid ku caawisa ama ku gacan qabata ubadkan hadana waxay ii sheegtay in ay markasta iyo habeen kasta ay ku seexato sidii ay ubadkeeda horumar u gaadhsiin lahayd,

waxayna ku dadaaleysaa sidii ay mar uun u gaadhi lahayd sida ay rabto iyada iyo ubadkeedu,

Hadaba Akhriste sidee ayaad u aragtaa ama waa mid sidii ah  Farqiga u dhaxeeya labadaa nololeed,

waayo waa dad uu Illahay SWT u suurto galiyay iyo qaar iskada daa ciid iyo suuq ay soo galaane aan guryahooga dab lagu shidin bal adba soo arag intaad u kuurgasho  Xaafadaha qaar kood,

Taas waxaan uga socdaa in dad uu Illahay wax siiyay ay hoos u eegaan dadka ka hooseeya ee dan’yarta ha  dadkaa ama qoysaskaa Illahay axba uma waayin uu heli karaa waxkasta siiyo balse wuxuu ku eegayaa kuweena wax haystaa in ay u naxriistaan dadkaa Danyarta ah,

Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

Caashaqa555@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
LINKS