|
|||||
WAJAALE NEWS
Buyuud ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg , Qormada 13aad, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
October 18, 2014 - Written by Editor:Feysal Cumar Mushteeg ma in laga dhammaanayo ayaad moodaysaan. Wuxu curiyay maanso bad ah oo aynaan ka geyoonayn. (1940kii-2012ka) “Labada dherer way u dhexaysaayoo, Labada dheemman way u dhexaysaayoo, Ma dhuubna dhumuc weynna lama siinnoo, Ma dhiirrana dhagarna kama baqatoo, Waa dheddig ninna way u dhigantaa,” Buyuud ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com-www.dharaaro.com 18/10/2014ka, Qormada 13aad Bal hadda immikana aan eegno xarafka ‘Ka’da’ inta kooban ee uu ka yidhi aan eegno: “Immikay soo kartooy u kulushahayoo, Kiiloo Batra kooras loo diray,” Hadda wuxu sheegayaa waa ‘Cleoptra’, waana curisyada aqoontu ku soo kordhisay Qaraamiga. Waxa kale oo uu yidhi: “Kaskayga kolkii waxaan is-idh iyo, Kurtinyahow waxaad noqotay kala kaan,” Waxa kale oo uu ku darayaa: “Kalgacalkaaga kow u odhan maayee, Ha I keliyaynine igu kalsoonow,” Xarafka ‘La’da wuxu ku bilaabayaa: “Labadan cishaan ladnaan ku ledee, Leylina ma la timid lurkeedii,” Xarafka ‘Na’da oo uu waxoogaa ka yidhina bal aan eegno: “Naf weyday naruuradeediiyoo, Naafowday maxay ku nooshahay,” Hadday naftu weyday tii nasin layd, Waan nacay noloshii adduunyada,” Naafowday hadday ku weydo naftuye, Noolow anna way nasiib-xumo, Nadarka indhahayga nuurkeedaay, Naciimal-caadifeey ma nabad baa,” Xarafka ‘Sha’du sidaa uma badna, waxaanu ku bilaabayaa sida aan qoraalkan ‘Busi’ ka soo xigto, wuxu ku bilaabayaa: “Shaqadii baa I geysay shaanshaanee, Tollay Shamis sheekadeedii, Haddii shaab magaalo laga furo, Shay buu nin waliba ka qaataaye, Hablaha Shamis baan ku leeyahay, Bal aynu immikana u guurno xarafka ‘Qa’da oo ku bilaabayo buyuuddii uu bariga ka tiriyay, waxaanu yidhi: “Qardhiyo Laaso-bari roobkii ku qubtaay,
Waxaan u qushuucay quruxdaadoo, Qacdaan ku arkaan is-qoonsadayoo, Bal qabsoo waaban kuu qandhays nahay,” Bal hadda aynu u fiirsanno sida aanu jacaylkiisii u qiimayn hadalladii uu ku lahaa, waxaanu yidhi: “Intaan qubay hadallo qaaliya, Qasaariyay waa quruuruxa,” Wuxu intaa raacinayaa: “Qunbacay qalbigii I qoonnaayoo, Qandhadoo waaban wada qadhqadhayaa,” Waxa kale oo uu yidhi: “Malaha qalbigaagu wuu qallaloo, Qudhaydan baxaysa qaban meyside, Qaaddirkaan u qayshan doonaa,” Markanna waa beryihii uu ka cabanayay bariga waxaanu yidhi isaga Gebilay xusuusanaya: “Qodaalkii Geblaan ka qaylinayee, Ma haddaan galay qaaba-qowseyn,” Bal hadda immikana aan eegno sida uu kalgacalkiisii u ammaanayo, waxaanu yidhi: “Qod baad tahay meel qabow ka baxoo, Ubaxu dhaaxo aad u wada qariyoo, Bal qabsoo waaban kuu qandhays nahay,” Feysal Cumar Mushteeg ma in laga dhammaanayo ayaad moodaysaan. Wuxu curiyay maanso bad ah oo aynaan ka geyoonayn. Bal hadda immikana aan u gudubno xarafka ‘Ma’da ah iyo wixii uu ka tidcay ereyo xariira oo ma-hadho iyo dhabanno-haysba reebay. Wuxu ku bilaabayaa: “Magane waxaad tahay marwada dumarkoo, Milgaha hadalkaad u odhanaysiyo,
Miyirka socodkaad mushaaxaysiyo, Maraaraa luquntiyo dhexdaa madagta ah, Midigtaad saydhay baw markhaatiya,” Waah…Waah! Waxaasaa jacayl la yidhaahdaa. Allow ma ammaan! Bal adba! Intaa wuxu ku darayaa: “Maroodi ma daayo mirashada, Meyracaan u bartaan muhanayaa,” Waa kaa u tallaabay in uu ka sheekeeyo Cilmi-boodhari, waxaanu yidhi: “Miskiinkii Cilmi murugadii ku tegyoo, Waxaaban u malaynayaa ma hubee, In uu weli muusannaabaa,” Haddana waa kan u tallaabay Qays iyo Leyla iyo mashaqadii soo martay, waxaanu yidhi: “Maqashay Leyli Qays waxay marisoo, Adoo miyir qaba maqnaan meyside, Magooleey anaad I madiyeysee, Mar uun baad adiguna muxtaaj noqon,”
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)
Related posts:DAAWO; Dugsiga Muj Mahdi Cali Ee Magaalada Tog Wajaale Oo Isku Badalay Goobo Ganacsi Iyo Wasaarada W... Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Oo Faah Faahin Ka Bixisay Qodob Hore Uga Soo Baxay Gudida Coronavirus ... DAAWO;-Siyaasi Ramaax Oo Go,aankii Xukuumadu Ku Joojisay Gaadiidka Yar yar Ku Tilmaamay Mid Aan Kaso... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|