Buyuud ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg , Qormada 13aad, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Buyuud ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg , Qormada 13aad, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
October 18, 2014 - Written by Editor:

Feysal Cumar Mushteeg ma in laga dhammaanayo ayaad moodaysaan. Wuxu curiyay maanso bad ah oo aynaan ka geyoonayn.

(1940kii-2012ka)

“Labada dherer way u dhexaysaayoo,

Labada dheemman way u dhexaysaayoo,

Ma dhuubna dhumuc weynna lama siinnoo,

Ma dhiirrana dhagarna kama baqatoo,

Waa dheddig ninna way u dhigantaa,”

Buyuud ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com-www.dharaaro.com

18/10/2014ka,

Qormada 13aad

Bal hadda immikana aan eegno xarafka ‘Ka’da’ inta kooban ee uu ka yidhi aan eegno:

“Immikay soo kartooy u kulushahayoo,

Kiiloo Batra kooras loo diray,”

Hadda wuxu sheegayaa waa ‘Cleoptra’, waana curisyada aqoontu ku soo kordhisay Qaraamiga.

Waxa kale oo uu yidhi:

“Kaskayga kolkii waxaan is-idh iyo,

Kurtinyahow waxaad noqotay kala kaan,”

Waxa kale oo uu ku darayaa:

“Kalgacalkaaga kow u odhan maayee,

Ha I keliyaynine igu kalsoonow,”

Xarafka

‘La’da wuxu ku bilaabayaa:

“Labadan cishaan ladnaan ku ledee,

Leylina ma la timid lurkeedii,”

Xarafka ‘Na’da oo uu waxoogaa ka yidhina bal aan eegno:

“Naf weyday naruuradeediiyoo,

Naafowday maxay ku nooshahay,”

Hadday naftu weyday tii nasin layd,

Waan nacay noloshii adduunyada,”

Naafowday hadday ku weydo naftuye,

Noolow anna way nasiib-xumo,

Nadarka indhahayga nuurkeedaay,

Naciimal-caadifeey ma nabad baa,”

Xarafka ‘Sha’du sidaa uma badna, waxaanu ku bilaabayaa sida aan qoraalkan ‘Busi’ ka soo xigto, wuxu ku bilaabayaa:

“Shaqadii baa I geysay shaanshaanee,

Tollay Shamis sheekadeedii,

Haddii shaab magaalo laga furo,

Shay buu nin waliba ka qaataaye,

Hablaha Shamis baan ku leeyahay,

Bal aynu immikana u guurno xarafka ‘Qa’da oo ku bilaabayo buyuuddii uu bariga ka tiriyay, waxaanu yidhi:

“Qardhiyo Laaso-bari roobkii ku qubtaay,

 

Waxaan u qushuucay quruxdaadoo,

Qacdaan ku arkaan is-qoonsadayoo,

Bal qabsoo waaban kuu qandhays nahay,”

Bal hadda aynu u fiirsanno sida aanu jacaylkiisii u qiimayn hadalladii uu ku lahaa, waxaanu yidhi:

“Intaan qubay hadallo qaaliya,

Qasaariyay waa quruuruxa,”

Wuxu intaa raacinayaa:

“Qunbacay qalbigii I qoonnaayoo,

Qandhadoo waaban wada qadhqadhayaa,”

Waxa kale oo uu yidhi:

“Malaha qalbigaagu wuu qallaloo,

Qudhaydan baxaysa qaban meyside,

Qaaddirkaan u qayshan doonaa,”

Markanna waa beryihii uu ka cabanayay bariga waxaanu yidhi isaga Gebilay xusuusanaya:

“Qodaalkii Geblaan ka qaylinayee,

Ma haddaan galay qaaba-qowseyn,”

Bal hadda immikana aan eegno sida uu kalgacalkiisii u ammaanayo, waxaanu yidhi:

“Qod baad tahay meel qabow ka baxoo,

Ubaxu dhaaxo aad u wada qariyoo,

Bal qabsoo waaban kuu qandhays nahay,”

Feysal Cumar Mushteeg ma in laga dhammaanayo ayaad moodaysaan. Wuxu curiyay maanso bad ah oo aynaan ka geyoonayn. Bal hadda immikana aan u gudubno xarafka ‘Ma’da ah iyo wixii uu ka tidcay ereyo xariira oo ma-hadho iyo dhabanno-haysba reebay. Wuxu ku bilaabayaa:

“Magane waxaad tahay marwada dumarkoo,

Milgaha hadalkaad u odhanaysiyo,

 

Miyirka socodkaad mushaaxaysiyo,

Maraaraa luquntiyo dhexdaa madagta ah,

Midigtaad saydhay baw markhaatiya,”

Waah…Waah! Waxaasaa jacayl la yidhaahdaa. Allow ma ammaan! Bal adba! Intaa wuxu ku darayaa:

“Maroodi ma daayo mirashada,

Meyracaan u bartaan muhanayaa,”

Waa kaa u tallaabay in uu ka sheekeeyo Cilmi-boodhari, waxaanu yidhi:

“Miskiinkii Cilmi murugadii ku tegyoo,

Waxaaban u malaynayaa ma hubee,

In uu weli muusannaabaa,”

Haddana waa kan u tallaabay Qays iyo Leyla iyo mashaqadii soo martay, waxaanu yidhi:

“Maqashay Leyli Qays waxay marisoo,

Adoo miyir qaba maqnaan meyside,

Magooleey anaad I madiyeysee,

Mar uun baad adiguna muxtaaj noqon,”

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

COMMENTS
LINKS