Baadi Goobkii Guusha!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baadi Goobkii Guusha!!
October 16, 2014 - Written by Wariye:

Waan guul jecelay se ma guulaysto waxan se talo ku gooyey inaan marada jilbaha geysto, guntigana dhiisha isaga dhigo, araga iyo talaabadana hore u laliyo si aan uga niib keeno waxaan rabo. Waxaan ka hagaagi waayey in aan baadi goobo, jid iyo jar kastana u maro waxan kohanayo ee laabtayda ka hugmaya. “Alleyelehe doorkan dix iyo derinba u orod, kobtii ragii rag ahaa maray, iyo kobo cusubna saanyo oo cirka liishaanka geyey” ayaan naftayda u sheegay anoo nayaayirka igu jira dardiis inaan qarxo ku dhow.
Haddaba guulley maxaad tahay, waxaan dedaal ugu jiraa sidaan guul u hannan lahaa,waa lay tilmaamay guusha iyo halkay taalo ama halka loogu hagaago. Intaan ka kacay goobta higileed, ayaan cagta dhabada saaray, foolkayga u jeediyey halkii laygu tilmaamay. Imika waxaan ku suganahay ban bannanka aduunka ka mid ah ,anoo socdaalkii ku jira ayaa roob ma higaani i qabsaday,gabaad iyo guri laga galo malaha ,se waxaan bindhaansaday oo indhahaygu qabteen geed bilicsan oo bar aan iga fogayn ku yaal. Waxaan is waydiiyey sawta meeshu banka ah waa maxay geedku? mooyee waadigan dardhanaya sidii adhigee iska hoos gal ayaan is iri. Shaw markii aan gaadhay ee aan madaxa sii galinayey laani i qabsatay oo calalkii aan xidhnaa iga jeexday oo waliba intaa kumay joogine jidhkaygiina intay dhex jibaaxday hogor weyn ka samaysay. Intaan idhi “aaa aaa” ayaan indhaha kaga dhacay oon u tiriyey, sidii habar goblan ah ayaan hadalkaygii ku soo gaba gabegebeeyey “dhagar iyo goblan ku danbee”.
Garaad YoonisIntuu hadlay ayuu i yidhi “maad i garanaysaa” waan yaabay tanna ma kuu danbaysay waa maxay geedkan hadlayaa fajaciso !! mooyee maxaad tahay? Ayaan ugu war celiyey cadhaan jiq ahay oo jidhka hongayaba calalka ayaa igaga daran,wax aan ku bedeshona mahaysto, daba ka welwel bandanna safarka i sugaya iyo qaawanaanta ayaan ka qabaa laakiin inaanan laaban, wax walaacina laabtayta gelin baa dhagax iigu dul qoran. Intaan amakaagii iyo u qaadan waagii laqay, cadhadiina lingax adag ku xidhay ayaan isu diyaariyey inaan makhluuqan amran ee lagu lamaan yahay la kalaamo.
Kumaad tahay? Ayaad mar kale ku celiyey.
“Waxaan ahay guul”. Ayuu iigu jawaabey
Guuleey maxaad tahay?
“waxaan ahay farxada nolosha iyo murugada nolosha!waayo wali qof aan murugoon ima hannan”. Ayaa mar kale geedkii iigu hal celiyey.
Dhamaan waynu wada jecelnay guusha,waynuna wada necebnay guul darada,se waad ku qanacdaa guul darada.Guulaystayaasha borabiyaad tihiin,waana ilma aadame ,si wacan ayay kuu shabahaan lakiin dhawr shay ayay kaaga duwan yihiin. Talow waa noocma? waa kuwan waxay kaaga duwan yihiin sida tan samirka,maamulida waqtiga iyo u hilawga wax uu rabay una hanqal taagayey iyo wixii la mid ah.
Mararka qaar aad la kulanto guulaystayaasha waliba markay kaaga waramayaan siday u guulaysteen waxaad moodaa in janadii lagugu bushaareyey farxadaada awgeed. Markaad ka soo laabatana waxaa lagu moodaa siddaad u murugaysantay in Naar laguu balan qaaday,Alle hakaa nabad galiyo Naartee.Tolow maxaad la murugootaa? Ma xaasid baad tahay,mooyi! malahayga ma ihi xaasid.
Hadaba adigu akhriste ma tahay qof guul jecel,jecelna in uu ku biiro liiska guulaystayaasha? haa haa waan jecelahay ma’daba ka daa! Inaad leedahay ayaan filayaa. Marka hadday sidaas tahay, hayga hadhin waanigan bahashiina lug ugu tegaye.
Gartay guulleey nooceed tahay? waan iska su’aalo badanehee.
“waxaan ahay mid dhamaan dadku jecelyihiin,waxaan ka sii ahay geed labaatan kun oo baac ah oo la diirto. Markay dadku diiranayaan qadhaadh ayaa iga daata ,kadib afkooda ayuu ku dhacaa qadhaadhkaasi, balse dhanka kale xaga hoose jirida dunida ugu macaanka badan ayaan ku leeyahay, mana dhamaato macaankaygu waa mid daaiman ah. Nasiib daradu se waxay tahay dadka intood badani uma adkaystaan qadhaadhka diirkayga , markaba waa joojiyaan waxayna iga laabtaan iyaga oo diifaysan oo murug iyo waji duuban ayey dadka waajihaan si dadka kale ay war qaldan ugu gudbiyaan,waxay moogan yihiin qadhaadhkaa yaraanta badan macaanka ka daaimka badan ee ka danbeeya kuwani waa ma guulaysatayaal, laakiin in yar oo qadhaadhka u dhabar adayga ayaa jira, kuwaasi qadhaadhka waa ka gudbaan, hirba hir kasii macaan ayuuna u gudbiyaa. Qoladan danbe ayaa sirtayda iyo macaankayga hela in baddana nolosha ku raaxaysta, kuwani waa guulaystayaal”
Anoo u qaadan la’ ayaan suaalihii ku sii boobey oo kaba dayn waayey ileen guushii ayaan maanta la rafiiqee oo dugsanayaa, dad ayaan ugu nasiib badanay oo guushaan raadinayey ayaan talo iyo tusaale ka qadanayaa alla maxaan nimco jaqayaa talow maan guulaysan? dee haa, sidee haddaba u guulaystaa sawtan i tidhi ilaa qadhaadh la dhadhamiyo macaan lama helo tan ayaaba fajaciso a’he!!
horta qaali sibaan kaga helay oo maanta waan ku caashaqsanahay waayo dheh socdaalkaan ku jiray waban ilaaway oo roob ayaa igu dul qaaday ee qaali tolaw guur may kaa yeeli xaasha guul lama guursan karee wax kale keen.
Guulaystayaashu waa ayo?
“Guulaystayaashu waa kuwo dharaaro qada, qawlalladu cadaadaan,qira qiimaha qofnimada,xaqiraad malaha, xaqa dadkay ilaashaan,xinna xaashay ka yihiin,hirka baxaayey u hanqaltagaan,hadafkooday hagaajiyaan iwm”
Gar weeyaan sidaasi waxay noqonaysaa in aan goobtaan ka imid guusha ka raadiyo, maadama ayna guushu meelna iga jirin. Guusha waa loo kucleeyee, loo kabtiyaa, loo samraa, gamcahaa ayaa lagu sameeyaa. Nin, qolo iyo goob gaarana iskama dul taal, ee dedaal iyo qorshe toolmoon ayaa u sal ah. samee guusha gar ayaad u leeday guusha guuldaro se waa kugu gar daro.

W/Q:Yoonis Maxamed Raage(Garaad Yoonis Gajoome)

COMMENTS
LINKS