ASTAAMAHA MACALINKA FIICAN’. Qalinkii: Maxamed Cabdi Cali hayaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ASTAAMAHA MACALINKA FIICAN’. Qalinkii: Maxamed Cabdi Cali hayaan
October 5, 2014 - Written by Editor:

Marka hore salaan iyo ciid wanaagsan.Maanta 05/october waxay ku beegnayd maalinta macalimiinta aduunka, waxan halkan idiinku soo gudbinayaa erayo kooban oo aan ka idhi waajibaadka macallimiinta. mahadsanidiin.

Ku dhawaad  toban gu’ oo aad tamaashiirta sidataa sidaan qabo waayo-aragnimo way kuugu filan tahay. Ubaxa aad cilmiga ku habto, hor-jooggooda waa lagu jimidh yaraadaa sida lagu doodo. Tacliintu sare uma kacdo mana siraadato ilaa gudi aqoonyahano ahi manhaj tayaysan salka u dhigaan, ka dibna barayaal u tababarani ardayda ku haloosiyaan. Hadda ganacsi ahaan ayaa loola dhaqmaa, dhulkeenna waxaan carruurteena loo soo waaridaa manhajyo qallaad   sida England, Kenya, India iyo kuwo kale oon aan ku haboonayn dadkan, goobtan iyo goortan, waa se arrin in laga tashado u baahan iyadana uma socdo ee jaarkeeda   ayaan u jeedaa maanta.

Loo baraha (waalidka) doorkiisu waa ka war hayn halka ay wax marayaan iyo in kale oon sidaa u sii wayneyn .

Bartuhu (ardaygu) waa in uu maalaa maskaxda macalinka ee godlatay, jeerkaasna ka d hawraa Qaniinyada (sida sheekada iyo qosolka fasalka dhexdiisa) si aanu uga gaagixin, balse yar gujiyaa si uu u dararo, isagoo kaashanaya  aamusni iyo ixtiraam.

Baruhu waa wastaad dhisaya ummad ama jiil korriin jodheed iyo koboc maskaxeed u socdo. Nebbi Maxamed ayuu ahaa macalinkii ugu weynaa ee dunida soo mara sida xataa gaalku qirayo. Soddon jis oo Qur’aan ah ayuu ku shubay quluub uu shirki dishooday. Hab-dhaqan dhammaystiran ayuu baray ummada islaamka.

5ta October baa loo asteeyay inay noqoto maalinta macallimiinta adduunka. Cidda u astaysay, sababta iyo goorta ha I weydiin! Wuxuun baan halkan jeclaystay inaan halkan ku soo gudbiyo tobbaneeyo astaamood oo baraha wanaagsan leeyahay/leedahay.

  • Waa mid takhasus u leh laan-aqooneeda uu dhigayo.
  • Wuxu u tababaran yahay sida loo gubiyo aqoonta.
  • Waa mid dabeecad wanaagsan oo furfuran.
  • Waa mid ardayda dhexdooda   u caddaalad fala.
  • Firficoonidu isagay ka bilaabantaa.
  • Maaha keligii talliye ay ad-adkaanta ugu baxdo, ardayduna qalafsanaanta ka barato.
  • Wuxuu leeyahay awood uu ku hanto dareenka iyo qalbiyada ardayda.
  • Wuxu dhaxanta ka duuliyaa ardayda marka ay caajis dareemaan.
  • Waa mid ka fogaada erayo faan iyo isla wayni ka muuqato.
  • Ku dhac ayaa u leeyahay su’aashaa ma garanayo, waan soo baadhi doona idina sidoo kale.
  • Waa cinjir laablaabmi kara, la dhaqmi kara oo wax fahamsiin kara arday kala awood faham iyo adkeysi duwan, kala dabeecad iyo dulqaan fiican, kala han iyo hayn gadisan.
  • Wuxu la socdaa   xaalada iyo dareenada nafsadeed ee dhalinta wiilal iyo gabdhaba leh.

 

Qalinkii: Maxamed Cabdi Calihayaan

Email: hayaanb502@hotmail.com

COMMENTS
LINKS