Agaasime Aan Dhicin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasime Aan Dhicin.
October 9, 2014 - Written by Editor:

Agaasimaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranku waa agaasime soo jiray muddo 13 sano ah waa Agaasime lama taabtaan ah, wuxuu ahaa xubin aad iyo aadka ugu firfircoonaa taageerida xukaamadii udub kuna adag cadaadinta iyo aflagaadeynta Xisbiga Kulmiye, iyadoo Xukuumadii Udub mar ugu balan-qaaday inay ka dhigayso wasiir. Markii xumaadii Udub dhacdayna waxaa la bedelay dhamaan Agaasimayaashii Guud ee Udub, hadaba maxaa sababay in la bedeli waayo isagoo ugu cad-cadaa waa cadaalad daro iyo eex-cad oo uu u galay wasiir Xirsi oo abti u ah meeshana ku haya.

KOMISHANKA

Waxaaase la yaab ah sababta loo badali waayey lama arag agaasime 13 sano meel iska haysta oo lama taabtaan ah isagoo mushahar, gunno iyo gaadhiba kala siman agaasimayaasha dawlada ee marba la bedelo, iyadooy weliba u dheer tahay inay Xaaskiisuna wadato gaadhi laga leeyahay Komiishanka oo weliba shidaalkana laga siiyo. Iyadoo weliba inta badan shaqaaluhu ay waayaan gaadhi ay raacaan.

Mudadii uu joogay ama ka shaqeynayey xafiiska Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay iskaga dambeeyey saddex Maamul Komiishan wuxuu ku caan-baxay wax is daba marin iyo saxeexyo guddoomiyeyaasha Komiishanka qaar laga been abuurtay oo uu xoolo ku cunay, isaga shaqaalaha Komiishanka ee uu maamulka u yahay hal maalin u kala caadalad sameynin isaga oo shaqaalaha qaar ku dhufanaya Madaxda meesha joogta, madaxdaasna qaarkood aad moodo inay Program uu soo dhigo ay sideeda u qaataan, xaga shaqaalaha marka ay noqoto waxaad moodaa ineyn Qaranka u shaqeyn ee ay isaga u shaqeeyaan mashaharkana uu siiyo, isagoo weliba shaqaalaha xaqa ay ku leeyihiin xafiiska ugu doodin una dhicin qof shaqaale ah, xaqa ay is yidhaahdaan Komiishanku siiyana dood adag ka keena isaga oo la soo boodaya lama siin karo qofkaas waxaas halkee laga keenaya ama laga bixinayaa isaga oo xafiiska looga bixiyey magaca (keligii noolaade).

Dhinaca kale waxaa jira intii xukuumadii Udub iyo Xukuumadii Silaanyo ay isbedelayeen in uu hanti badan lunsaday isaga oo ka iibsaday guri. Arrintaasna xafiiska Odhanka ayaa og markii lagu daba-galayna Wasiir Xirsi oo abti u ah ayaa u guntaday.

Guntii iyo gaba-gabadii wuxuunu ku boorinaynaa Komiishanka Cusub ee iman doona iney ishooda wax ku arkaan cadaaladana sugayaan uguna adeegaan Qarankan iyo shaqaalahan dayacu dishooday.

 

Qore; Cabdicasiis  Mahdi Cumar

COMMENTS
LINKS