|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha TV-ga Somali Channel Oo Magaalada Muqdisho Lagu Dhaawacay
October 12, 2014 - Written by Editor:Muqdisho(Wajaalenews)- Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaaya in maanta dhaawac culus loogu geystay Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black), oo ka tirsanaa Telefishinka Somali Channel. Wariyaha oo muddooyinkaan dambe ahaa Agaasimaha Telefishinka Somali Channel ee Somaliya, ayaawaxaa barqanimadii lagu dhaawacay afaafka hore ee hoygiisa, oo ku yaala xaafada Black Sea ee Degmada Hodan. Xoogag gaari nooca raaxada ah la socday, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday Suxufiga, waxaana lala dhaawacay barre jaamacadeed oo markaasi ay wada fadhiyeen Suxufiga, iyadoona magaciisa lagu sheegay Injineer Maxamed Yuusuf. Wararka waxay intaa ku darayaan in Suxufigu ay rasaasta ka haleeshay caloosha, dhabarka iyo gacanta, waxaana dhaawaciisa lagula cararay Isbitaalka Madiina, oo ku yaala Degmada Wadajir. Raggii weerarka geystay, ayaa daqiiqado ka dib ka baxsaday halkii ay ku weerareen dhibanayaasha, isla-markaana waxaa weerarka lagu sheegay mid si gaar ah loogu beegsanaayay Suxufiga. Laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, ayaan wax war ah ka soo saarin dhaawaca maanta ninka Wariyaha loogu geystay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho
WAJAALENEWS DESK Related posts:“Hantidayadaa Iyo Khasaaraha Dhacay, Hadii Ay Dawladu Deg Deg Uga Soo Jawaabi Waydo, Anagu Waajibkay... Daawo:Warbixintii U Danbaysay Deegaano Hor leh Oo Uu Ka Dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodku Ee Gobolka... DAAWO;-Soo Saaraha Barnaamijka Wasiirka Gadiidka Iyo Jidadku Ka Gubtay Oo Soo Bandhigay Cadaymo Dhee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|