Afhayeenka Waddani Oo ka Hadlay Askari Ciidanka Qaranka Ka Tirsan Oo Saax-dheer lagu Dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Waddani Oo ka Hadlay Askari Ciidanka Qaranka Ka Tirsan Oo Saax-dheer lagu Dilay
October 7, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews); Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna Xildhibaan Wakiilada ka tirsan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa Cambaareeyay Dilka Kooxda Khaatumo u gaysatay Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xalay lagu toogtay Agagaarka Saax-dheer.

“Aad ayaanu u canbaaraynaynaa Falkaas Foosha xun ee ay ku kaceen Kooxda Khaatumo, waxaana leeyahay Ciidanka Qaranku waa Sunnaha Dawlad-nimada, Ciidanku waxa ay Heegan Ugu Jiraan Sidii ay u sugi Lahayeen Xuduudaha somaliland,Waxaanan leeyahay Xukuumada Idiin Soo Socotaa Majirtee Ciidanoow Idinku ilaaliya Amnigiina,kana Amar Qaata Taliyihiina oo kaliya.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa waxa uu intaasi raaciyay inaanay Ciidanku isku halayn Xukumadda haatan jirta balse ay ka amar qaataan Taliyeyaashooda”Waxaana leeyahay Ciidanka Xukuumada Ha isku halaynina oo amnigiina Suga, Amarada Madaxda Ciidankana Fuliya”ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga wadani.

Askariga La dilay oo Magaciisu ahaa Cabdi Liji, ayaa sida la sheegay Shalay fiidkii Koox dablay ahi tacshiirad huwiyeen isagoo ka soo laabtay Saax-dheer kuna sii jeedo Fadhiga ciidanka oo aan magaalada ka dheeray

COMMENTS
LINKS