|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Xassan Daahir Weedhsame Oo ka Hadlay Xadhiga Library gii Dhalinyaradu Wax ku Akhrisan Jirtay
October 28, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews) ;Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Maktabadii Gaandi Library albaabada loo xidho, kadib markii sida ay wararku sheegayaan la xaqiijiyay in laga iibiyay nin ganacsade ah,isla markaana waxa uu dalbaday in la soo ogaado cidda uu ka soo fulay go’aankaasi inay caruurtoodu waddanka joogto. Weedhsame waxa uu sidaa ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo dhigay facebook waxanu u dhignaa sidan “Maktabadda Gaandi xidhitaankeedu waa wax laga xumaado, xataa in lagu soo dhiiradaa waa mid garashada fayow ka soo hor jeeda. dhallinyartaa garoonadii kubada ay ku ciyaari lahaayeen hore ayaan u soo cunnaye ma waxa laga xishoon waayey qol yar oo magaalada hargaysa dhallinyarteedu wax ku akhrisanayso? go,aankaasi cidda uu ka soo fulay ha la soo ogaado in ubadkoodii dhulka joogto iyo in kale.”Ayuu qoraalkisa ku soo gabagabeeyey. Related posts:Diyaarada Kenya Airways Oo Shaacisay Wakhtiga Rasmiga Ah Ee Ay Duulimaadyo Toos Ah Ka Bilaabayso Som... “Dawladda Muqdisho In Ay Kala Raacdo Dhinacyada Dagaalka Tigray, Xaqna Uma laha Oo Waxay Ku Tahay Fa... DAAWO; Somaliland OO Xafiis Dublamasiyadeed Ka furatey Dalka Sweden Iyo Masuuliyiinta ka Qaybgalay, COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|