Xukuumada oo is Hortaagtay Madal Baroor Diiq Loogu Qabanayay Labadii Sarkaal Ee Lagu Dilay Qurilugud | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada oo is Hortaagtay Madal Baroor Diiq Loogu Qabanayay Labadii Sarkaal Ee Lagu Dilay Qurilugud
September 27, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,ayaa hor joogsatey kadib markii ay soo qabanqaabiyeen Saaxiibada iyo dhamaan qeybo kamid dhalinyarada Aqoonyahanka Somaliland baroor diiq loo qabanayay labadii Sarkaal ee dhawaan lagu dilay Tuulada Qorilugud Marxuum Maxamed Yuusuf Aw Rabaax,iyo Marxuum Jaamac,oo gacan ka xaqdarani ku dishay.

siilaanyo iyo marxuumka

kabtan maxamed Baroor Diiqdan oo ay soo qabanqaabiyeen dhamaan dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Reer Somaliland,iyo asxaabtii iyo waliba eheladii marxuum Kabtan Maxamed Yuusuf Aw Rabaax(Mize),islamarkaana, qabanqaabadeedu socotey maalmihii lasoo dhaafey ee todobaadkii hore magaalada hargeisa kaadhadhkii laga qeybiyay baroor diiqdaasna intoodii badneyd la qeybiyay ayaa, Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo maanta kasoo saartey amar lagaga horjoogsadey huteelkii lagu qaban lahaa Baroordiiqda ee Maansoor oo masuuliyiintiisa iyo howlwadeenadu ku wargaliyeen in guud ahaanba baroordiiqdaasi ay Xukuumadu joojisay,Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid qanqaabiyayaasha xafladan

iyo saaxiibada marxuumka ee gacanta ku hayay howshaasi,waxey aad uga xumaadeen talaabada Xukuumadu kaga horjoogsatey baroor diiqdan oo ay u arkaan, mid gef kale ku ah gefafkii loo geystey mudadii lagu guda jirey aaskii,oo Madaxtooyadu siisay baabuur bilaa shidaal ah Aabaha dhaley Marxuumka kabtan Maxamed Yuusuf Rabaax Abaandulihii guutada 17aad tanina ay noqoneyso mid ay u wehelin doonto khaladaadka hore ee laga galay qoyska marxuumka iyo eheladiisaba.

Sikastaba ha ahaatee waxa hada kulan qabsadey guud ahaanba dhinacyadan soo qabanqaabiyay baroordiiqdan oo ka tashanaya maadaama ay Xukuumadu horjoogsatey dhinaca kale ee ay uga wareegayaan iyagoo si adag ugu doodaya hadii aanay dhinaca Xukuumada qiimaha ka laheyn ragan gacanta ka xaqdarani dishey in ay tusaan in ay dhinacooda qiima badan ka lahaayeen, sidii mudaharaadkii Gabiley ka dhacey oo kale.

WAJAALENEWS DESKBREAKIN-NEWSes

 

COMMENTS
LINKS