Xoggo Ku Saabsan Aas,aaska Ciidanka Ilaalinta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoggo Ku Saabsan Aas,aaska Ciidanka Ilaalinta Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka
September 28, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Xogo ku saabsan Ciidanka Ilaalinta Shirkaddaha Shidaal baadhista ee Madaxweyne Siilaanyo Aasaasay ayaa tilmaamaya tirada ciidanka, cidda Somaliland kala talinaysa iyo tiradooda.

SAHAMINTA SHIDALKA

Warbixino kala duwan oo laga helay Hindisaha Aasaaska, ayaa muujiyey in dawladda Somaliland go’aansatay aasaaska ciidanka ilaalinta goobaha shidaalka iyo shirkadaha ajnabiga ah bishii October 2013, kadib markii Shirkadda Genel Energy si ku-meel-gaadh ah u hakisay hawlihii ay ka waday Somaliland bishii September 2013 sababo dhinaca ammaanka la xidhiidha awgood, iyadoo wadahadalo Somaliland iyo shirkadda Genel Energy xilligaas dhexmaray la iskula qaatay samaynta ciidanka ilaalada goobaha shidaalka (Oil Protection Unit).

Xogo warbaahinta caalamku si yaabo kala duwan u baahisay xilliyo kala duwan oo Wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa tilmaamay in ciidanka loogu tallogalay ilaalinta goobaha shidaalka Somaliland iyo shirkadaha ajnabiga ah ee hawlaha baadhista wada ay qorshihiisa iyo qaab-dhismeedkiisaba dejiyey Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska, lana yidhaah ASSAYE RISK oo shaqadeedu tahay la-talinta arrimaha ammaanka la xidhiidha, waxayna shirkadaasi muujiyey in ciidanka OPU (Oil Protection Unit) marka hore lagu bilaabo ilaa 420 askari, kadibna tiradiisa la gaadhsiiyo ilaa 580, kuwaasoo u kala bixi doona lix qaybood oo maamulkoodu hoos tagi doono wasaarada daakhiliga Somaliland oo la shaqayn doonta shirkado dhinaca ammaanka qaabilsan oo ay kiraysteen shirkadaha hawlaha shidaalka ka wada Somaliland.

Sida ku cad warbixinaha, Shirkaddaha shidaalka, gaar ahaan shirkadda Genel Energy, kana diiwaangashan dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa ballanqaaday inay bixinayso kharashka ku baxaya dhismaha iyo maamulka ciidanka ilaalinta goobaha shidaalka ee Somaliland (Oil Protection Unit), kharashkaasoo xadigiisu noqonayo sannadkii lacag dhan $20 milyan ilaa $25 milyan oo dollar, kharashkaasoo loogu tallogalay in lagu bixiyo dhismaha ciidankaas iyo mushaharooyinka bil kasta ee hawshaas wadda.

Shirkadaha hawlaha shidaal-baadhista ka wada Somaliland, shaqadoodana u hakiyey diyaarinta ciidankaas, waxa ka mid ah shirkadaha Genel Energy, Shirkadda RAK Gas oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, Shirkadda DNO oo ka diiwaangashan waddanka Norway iyo shirkadda laga leeyahay dalka Yemen ee Ansan Wikfs, kuwaasoo sida la sheegay qayb ka ah dedaalada lagu samaynayo ciidanka madaxweyne Siilaanyo ku aasaasay xeerka madaxweyne xalay oo loo qorsheeyey inuu ilaaliyo ammaanka shirkadaha shidaalka iyo goobaha hawlaha baadhista laga wado ee Somaliland.

Aasaaska Ciidanka ilaalinta Sahaminta iyo soo saarista Shidaalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa soo saaray digteeto uu ku aasaasay Ciidanka Ilaalinta Sahaminta iyo soo saarista Shidaalka. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in

markii arkay ahmiyada Shidaal baadhistu dalka u leedahay uu go’aansaday inuu Aasaaso Ciidankan oo Booliska ka tirsanaan doona lagana soo xuli doono Militariga iyo Booliska.

Digreetada Madaxweyne Siilaanyo waxaa lagu yidhi sidan soo socota

“Madaxweynuhu Markuu Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ilaalintiisa;

Markuu Garawsaday: Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;

Wuxuu Go’aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS