|
|||||
WAJAALE NEWS
Xishoodka Habluhu waa qeyb ka midda dhaqankeena ;Qalinkii Nimco Baashe Cabdi
September 6, 2014 - Written by Editor:Maalmahan dambe waxaad moodaa in dhaqankeenii faro baas lagu hayo,xataa waaba laga digaroganayaa dadka qaar waxaan kula yaabaa marka ay ka guuraan dhaqankii waxan is idhaa tolow ma dhaqan cusub ayaa la soo dajiyay?siiba gaar ahaan hablaha waayo inan dhaqankeedii tuurtay oo geed ku laashay kadibna u hanqal taagtay mid shisheeye, waxaynu ku macneyn karnaa qof ka tagay ama ka baxay diinteedii waayo diintaada islaamka hadaad ka baxdo waa khasab in aad ka guurto ama ka maydhato dhaqankagii hore wayo waxaad soo gashay diin cusub iyo nolo kale,taasina waa ta maanta ina tuseysa in dhaqankeenii laga wada yaacay,kolay aduunka waxaa ku nool intaas oo qomiyadod,mid kastaana waxay leeyihiin dhaqan u gaara iyo diin u gaara,haye inagu maxaynu nahay diinteese aynu haysanaa? hadaynu nahay dad islaama waxaynu haysanaa diinta ugu wanaagsan aduunka uguna naxariista badan,inagoo ku darsaney dhaqan aad u wanaagsan dadkeenii hore iyo dadkeena maanta haddi la is barber dhigo, taako kama gaadhayno dadkeenii hore waayo waxay ahaayeen dad ku dhagan oo illaa shada dhaqankooda,laakiin inaga dhaqankeena waxaad moodaa in uu inagala fudud yahay biyaha aynu cabno,waxaana ina waalaya wadamadan shisheeye ee aynu ku sii qulquleyno,waxaad moodaa dadkeenii in wadamada ajaanibka sonkor ama malab loogu daadiyay,waxaad arkeysaa dad badan oo ku nool wadamada shisheeye oo xataa an aqoon bal halka ay sinjiyadoodu ka soo jeedo,haddi aad waydiiso wadankee baad u dhalatay waxay kugu odhanayaan ma naqaan,intee carruur gaalada inaga raacday oo waalid koodii inta laga qaaday ay ku dhex jiraan meelaha qudhunkaa,aynu ubadkeena inta ay yaryar yihiin aynu ka illaalino shisheeyaha iyo wadamadan lagu sii yaacayo, ilmahana inta uu yar yahay ha lagu barbaariyo hidaha iyo dhaqankeena wanaagsan,waana in la baraa astaanta diinteena islaamka ubadku marka ay waawey’naadaan iyaga ayaa is maamulaya,intaas hadaan halkaa kaga soo daadago, waxaan rabaa inaan halkan u soo mariyo fariin ama bayaan ku socda Hablaha soomaaliyeed,maye hablihii dhaqanka lahaa ee ku faani jiray hidahooda,hablihii quruxda koobka qaday ee qurusheyta ahaa hablahenu iney nasab yihiin waxaa hore u sheegay waxgaradkeena,haday yihiin Abwaaniin iyo haday yihiin Fanaaniin, waxaan u sheegayaa hablaha soomaaliyeed in ay dhaqankooda illaaliyaan,meel kasta oo ay daafaha caalamka ka joogaan haday yihiin qurbo joog iyo haday yihiin qolqol joog,dhaqanka ha la eego hana la dhawro waayo dhaqankeenu waa lama huraan,waa inaad sida dhalaanka u illaaliso dhaqankaaga ha dhicin ha dheeliyin dhaqan yahow wanaagsani,waxaan leeyahay dhaqankeenu waa inoo dhaxal ay inooga tageen dadkeenii,markaa ma fiicna in aynu is dhib yar u dhayalsano, yaynaan iloobin dhaqankeen iyo hiddaheena COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|