Xisbiyadda Mucaaradka waxa u muuqda kursiga, dalka iyo dadkana waxa u muuqda diiwaangelinta madaniga ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyadda Mucaaradka waxa u muuqda kursiga, dalka iyo dadkana waxa u muuqda diiwaangelinta madaniga ah
September 11, 2014 - Written by Editor:

Waxaan leeyahay Xisbiyada Mucaaradka ah dantiina waxa ka weyn tanta dalka ama Qaranka, waana muhiim in la helo diiwaan gelinta madaniga ah mar walba danta shakhsiga waxa laga hormarinayaa danta guud, sababta oo ah qof kasta oo Somaliland u dhashay wuxuu xaq u leeyahay inuu helo dhalasho.

qaadiro

Diiwaangelintii hore waxa inaga kharibay, waxa la isu daray diiwaangelinta madaniga ah iyo cod-bixinta, isla markaana waxa saamayn weyn ku yeeshay siyaasiyiinta oo dadkii dhallan habaabiyey, una sheegay inay meel kasta ka qaataan kaadhadh badan si goobaha codbixinta ugu shubtaan.

Sidaa daraadeed, shacbi weynaha Somaliland waxaan leeyahay nin kursi u muuqdo yaanu duwin masiirkeena iyo xuquuqda aad xaqa u leedihiin, waxaanan idinku boorinayaa in aydaan u dhag jalaq siin hawhawdooda iyo kaliya inay indinku dan gaadhaan marka ay idiin baahdaan.

Qofkasta oo reer Somaliland wuxuu xaq u leeyahay inuu qaato kaadhka aqoonsiga muwaadinka oo muhiim u ah jiritaankaaga iyo in aad haysato sumad kuu cadaysa inaad u dhalatay dalka.

Waxa arrin lala yaabo ah in Xisbiga Wadani uu si badheedh ah uga soo hor jeedsado Wadaniyaddii, isla markaana uu khilaaf ku sameeyo macanaha Magicii uu sitay.

Waxaan maqaalkaygan ku soo gebogebaynayaa, Xisbiyadda Mucaaradka waxa u muuqda kursiga, dadka iyo dalkana waxa u muuqda diiwaangelinta madaniga ah.

 

Cabdiqaadir Cabdillaahi Caydiid

Aideed77@gmail.com

COMMENTS
LINKS