|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland Oo Gabi ahaanba Qaadacay Diwaan galinta Madaniga Ah
September 11, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews);Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa wada jir u sheegay inay qaadaceen Diwaan gelinta Muwaadinka ee dalka laga hir galinayo. Shir Jaraa’id oo labada xisbi wada jir ugu qabteen Xarunta Xisbiga waddani ee Hargeysa ayay ku sheegeen inaanay Ogolayn Diwaangalinta Madaniga ah, bulshadana ugu baaqeen inaan laga qayb galin. Kusimaha gudoomiyaha ahna ku xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed iyo Gudoomiye xigeenka Saddexaad ee Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay, waxayna ku eedeeyeen Xukumaddu inay ka baxday Heshiisyo taxane ahaa oo ilaa wakhti fog ay soo wada galeeyeen Xisbiyada Xukumadda iyo daneeyeyaasha Doorashada. Waxay sheegeen inaanay aqbalayn Diwaan galinta Codbixiyaha iyo ta Muwaadinka ee la isku sidkay, iyagoo sidoo kalena diidmo ka muujiyay sida loo qorsheeyay Goobaha La iska diwaan galinayo. ” Tobaneeyo cisho ayaa nala meermeerinayay oo nala lahaa Saxaafadda ha la hadlina, waxaa ugu dambeysay saaka oo inta nala yidhi laba wasiir baa la idiin soo dirayaa nalaga baxay, sidaas daraadeed markaanu eegnay Itaalkayaga, kow waxaanu goosanay inaanu qaadacnay gabi ahaanba bahashaa magacyada badan ee Diwaan galinta Madaniga ah. waxaanu Taageerayaashaydana ugu baaqaynaa inay nagu taageeraan labada xisbiga inaanu qaadacnay Diwaan galintaas oo aanay ka qayb qaadan. Markaa rasmiyan waxaanu halkan ka sheegaynaa inaanu qaadacnay Diwaan galintaas loo bixiyey Madaniga” Ayaa ka mid ahaa hadalka Mujaahid Cali Guray. Cali Guray waxa uu Baaq u diray Shacabka Somaliland “Dhamaan Shacbi weynaha Somaliland, waxaanu iyagana ugu baaqaynaa, waar Doorashadii tani waa Carqalad kaliyee qaar kalena waa lagu soo wadaa.haddii ay daan u midoobin oo awoodiina isku hor taagin, lagana hor qaadin wixii carqalad ah ee Doorashooyinkaas loo dhigayo, waa la idiin jiidhayaa, Anaga waa nala jiidhayaa, Inagoo u midaysan Mucaarad iyo Muxaafad waa inaynu baabi’inaa oo dadkaas u celinaa Lacagtii laga soo qaaday iyo dawladdahoodii hoose” ayuu yidhi Cali Guray Dhinaca kale Gudoomiye xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Xukumaddu ka baxday Heshiisyo mug leh oo hore u dhex maray dhinacyada doorashadu khusayso, kuwaasi oo ku salaysnaa in labada doorasho isbarbar socdaan. “Waxaad Ogtihiin Mudooyinkii u dambeeyay waxaa socday Heshiisyo u dhexeeyay Xukumadda, Saddexda Xisbi Qaran, Komishanka Doorashooyinka iyo qaadhaan bixiyeyaasha Doorashada inaga taageera. Waxaanu dhamaantayo ku heshiinay in la qabto Doorashada Muwaadinka iyo ta codbixiyeyaasha. Waxaanu kala saxeexanay oo kuwada heshiinay oo Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa arrimaha guduhu qayb ka yihiin Saxeexa in Diwaan galinta Madaniga ah iyo ta Codbixiyeyaasha la wada qabto oo ay isbarbar socdaan.
Runtii xukumaddu iyadoo iska dhego tiraysa heshiisyadii, iyadoo baalmarsan wixii aanu ku heshiinay, waxay sameeyeen inay xeer duuduub ah Golaha baarlamaanka u gudbiyaan, taas markaanu aragnay saddexdayada Xisbi qaran iyo Akaadamiyadda Nabadu shir baanu ka wada yeelanay, waxaa halkaas nagaga hadhay Xisbiga Kulmiye, waxaana isku soo hadhay labada xisbi mucaarad iyo Akadamiyada, markaas waxaanu Madaxweynaha u gudbinay qoraal aanu Madaxweynaha u gudbinay oo aanu ugu sheegnay wuxuu ka damacsan yahay heshiisyadii hore, laba cisho na suga ayay nagu yidhaahdeen, waxaanuna sugnay 5 cisho walina kama hayno Jawaab” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed Axmed Muumin Seed oo Sii hadlaya waxa uu yidhi “Markaanu aragnay Ballamihii badnaa ee Beenta ahaa, Markaanu aragnay heshiisyadii Caalamku nala Ogaa inay wada baal mareen, waxaanu Shacabka Somaliland, gaar ahaana taageerayaashayada u sheegaynaa inaanu qaadacnay Diwaan galinta Madaniga ah ee meel ay ka socoto iyo meelay sal ku leedahay ba aanan garanayn. Ee waliba la doonayo Shicibku si uu u kaco in la yidhaahdo Degmo heblaayana 10 Goobood, degmo helbaayana 30 Goobood, ee Goboladii la leeyahay midna waa 20 Goobood midna waa 50 Goobood, si dadka loo kiciyo, waxaanu isla garanay labadayada Xisbi Mucaarad inaanu qaadacno Diwaan galinta Madaniga ah”
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|