Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukumadda Oo Isku Af-gartay In Laga Wada Hadlo Muranka Diwaangalinta Madaniga aH | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukumadda Oo Isku Af-gartay In Laga Wada Hadlo Muranka Diwaangalinta Madaniga aH
September 15, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi (Urcade) iyo  Ku-simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) ayaa ka hadlay wadda hadalo u socda Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukumada Somaliland, iyaga  oo sheegay in ay ka wadda hadlayaan Arrinta Diwaangalinta Madaniga ee Khilaafku ka dhashay.

wadani iyo ucid

Waxa ay Shegeen In ay xukuumada Soo dirsatay Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Madaxtooyada isla markaas asxaabta Mucaaradka kala doodi doonaan Diwaan galinta Madaniga oo ay Hore u qaadaceen.

Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay wadda jir ugu qabteen Magaalada Hargeysa.

Ku-simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) ayaa ka warbixiyay kulamo albaabadu u xidh-nayeen oo xukuumada ay la yesheen Waxaana uu yidhi “Halkan Waxaanu Doonaynaa Inaanu ku Cadayno,Waxa maalmihii udanbeeyey Doodi ka taagnayd Xeer Diwaan Galinta Iyo Ka Madaniga ah, Kaas oo Maalmihii Udanbeeyey Khilaaf Hor Leh ka Dhex Abuuray Golahii Baarlamaanka,Waxaanu Maanta Halkan U nimid inaanu cadayno kulamo ay Asxaabta mucaaradka Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo ka Madaxtooyada yesheen kana wada hadleen Xeerka Diwaan Galinta Oo Ay qaadaceen Asxaabta Mucaaradku”Ayuu yidhi.

Ku-simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) Waxa kale oo uu Sheegay in Ay Doonayaan In Isfahan Buuxa laga gaadho Labada Xeer Ee Madaniga ah iyo diwaan galinta,waxaana uu  sheegay inuu wada hadal U socdeen Xukuumada, Kaas oo sheegay in ay Bari kulmi Doonaan Asxaabta Mucaaradka iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadu “ila hada waxa xal ah am Isfahan Guud oo aanu gaadhay majiro,Wada hadaladuna way noo Socdaan,Waxaanan Jecel Nahay inta ay wada hadaladu noo socdaan inaan laga hor dhicin,Waxaanan Ku Rajo waynahay inaanu is fahan Buuxa ka gaadhno”.Ayuu yidhi

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “ Fadhiga aanu Baritoole yeelanayno waxa nagala soo qayb galin doona Xisbiga Kulmiye oo Fadhigii hore naga maqnaa iyo laba wasiir oo xukuumada ka tirsan iyo Labada Xisbi mucaaradka, Runtii fadhigii hore waxa ka soo baxay In asxaabta mucaaradka oo dhami ay isku imaadaa, Markaas Waxaanu Doonaynaa Saddexda Xisbi iyo labaad wasiir iyo laba Loyar oo Iyana Nalaga Shaqayn Dooni wixii Xeerar ah in ay nagu weheliyaan,Wixi kulan kaas kasoo baxana Dib ayaanu kasoo sheegi Doonaa”Ayuu yidhi.

Xoghayaha Guud  ee Xisbiga Wadani Maxamed  Cabdilaahi (Uur Cade)  oo isna shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay In Xukuumada iyo Asxaabta Mucaaradka ilaa hada Go’aamo Midaysan aanay ka gaadhi Khilaafka Xeerka Diwaan galinta iyo ka cod bixiyayaasha, waxaana uu sheegay In ay xukuumadana si u arkayso Asxaabta Mucaaradka Diidan yihiin Qodob  ku jira waxaana uu sheegay “Waxaan doonayaa inaan Bayaamiyo Shirkan Jaraa’id waxaanu u qabanay Inaanu cadayno xeerka diwaan galinta ee hor yaala golaha wakiilada oo baryahan Danbe buuq Badani hadheeyey, Runtii Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka arinta doorashada iyo diwaan galinta muddo dheer ayay kasoo wada shaqeeyeen, Khilaafka Jirana waxa weeyaan Xeerkaas Qodob ku jira oo xukuumaduna si u aragto asxaabta mucaaradkuna si u arkaan.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Markaas Maalin dhawayd ayaanu asxaabta mucaaradka iyo xukuumada shir wada yesheen waxaana isla soo meel dhignay in xal laga gaadho Si aanay doorashu Car-qalada inooga galin Waxa laysku khilaasan yahayna Xal Midaysan looga gaadho”

Sidoo kale Xoghayaha Xisbiga Wadani ayaa ku adkaystay inaanay ka noqon Qaadacaadii ay qaadaceen Diwaan galinta Madaniga ah,Waxaana uu sheegay In ay wali Arinkaas Xukuumada ka wada hadlayaan Kulamana u socdaan.

 

COMMENTS
LINKS