Xisbiga Waddani Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Diwaangalinta Madaniga Ah Ee Xukumaddu Bilawday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Waddani Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Diwaangalinta Madaniga Ah Ee Xukumaddu Bilawday
September 27, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Xukumadda ku eedeeyay ina sharciga ku tumatay maadaama ay bilawday Diwaangalinta Madaniga ah oo Xeerkeedii Golaha wakiiladu gacanta ku hayaaan islamarkaana aan wali la ansixin.

Masuul Xisbiga Waddani u hadlay ayaa sheegay in Xukumaddu sif sharciga baalmarsan ku bilawday qaadashada kaadhka dhalashad.”Sifo sharci darro ah bay ku bilaabantay diwaangalintii Madaniga ahayd,iyada oo Baarlamaankii uu faraha kula jiro oo aan sharcigii la soo saarin ayaa nasiib darro madaxweynihii Qaranka isaga iyo sideedii Wasiir ee ugu tunka roonaa fureen, iyagoo aad moodo in ay dayax gacmeed furayaan,oo aad u farax san oo leh maanta ayaynu Ictiraafkii helnay oo aynu guushii gaadhnay,iyaga oo ku sii tumanaaya ama isku sii taagaya sharcigii wadanka oo aan u aabo yeelahayn umaddu waxii ay dhigatay iyo waxii lagu heshiiyey toona”Ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Gobalada ee Xisbiga WADDANI Md:Cabdilaahi Axmed Maxamed Shi Jaraa’id qabtay

Md:Cabdilaahi Daamur oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:”Waxaan idiin sheegayaa oo aan u sheegayaa umadda reer Somaliland haddii ay arrimuhu ay sidan ku sii socdaan oo sharciga sidaas dhibka yar loogu tunto,waad ogtihiin oo sharcigii Faham ahaan ayaa uun lagu heshiiyey oo baarlamaankii ayaa sharcigii wada oo wali muu soo dhaafin,waxaana aad maqalayseen Diiwaan gelintii ayaa la bilaabay oo waliba Madaxweynuhu bilaabay Nasiib darro Madaxweynu isaga oo khalday halkii uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashayba,laba jeer qalday waxaa jira oo aanu umadda u sheegay sharci darradaa dhacday in ay Xukumaddu ka noqoto oo ay sheegtana gefka ay gashay oo madaxweynahu uu umadda u sheego in gef ay galeen, waayo gefaf badan ayaa Madaxweynaha laga tirsanayaa,waxaa ka mid ah tii shalay la wada maqlaayey ee uu lahaa Wasiirka Wasiirada ama Raysal Wasaare ayaa jira uu Madaxweynuhu lahaa taa waan laysku qabsaday arrintaan aad ayaa looga wada hadlay sharci ahaana waa laga hadlay in uu dastuurka ku qaldan yahay”

 

COMMENTS
LINKS