Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Oo Cambaareyey Xadhiga Ex Xildhibaan Ibraahim (SANGAL ) oo Xukumadu Xidhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Oo Cambaareyey Xadhiga Ex Xildhibaan Ibraahim (SANGAL ) oo Xukumadu Xidhay.
September 25, 2014 - Written by Editor:

Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Xadhiga Ex Xildh Ibraahim Axmed Xasan(SANGAL )

HARGEISA(Wajaalenews);Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynaynaa Xadhiga Sharci_Jabinta,Dulmiga,Awood Sheegashada Iyo Xaqdarada Ah Ee Loo Geystey Ex Xildh Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) Oo Ahaa Xildhibaanadii Hore Ee Golaha Deegaanka iyo Waliba Musharaxiintii Golaha Deegaanka Gobolka Gabiley Ee Danbe isla Markaana Ahaa Wakhti Xaadirkan Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka Ee Xisbiga UCID

Ayaa Isaga Oo Qaban Qaabinaya Xaflad Taageerayaal Cusub Oo Ku Soo Biiraya Xisbiga UCID ayaa Awood Ciidan ay Kaga Hor istaageen Xaley Mayorka Iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley isla Markaana Xadhig Loogu Darey Loona Dhaadhiciyey Station Policeka Magaalada Gabiley

Hadaba Xisbiyadii Mucaaradka JSL Ku Biiristoodii iyo Taageeristoodiiba Ma Waxay Noqotey Ka Mid Noqoshadii Ururka S.N.M Ee Taliskii Maxamed Siyaad Bare Xaaraantimeeyey

Dhaqamada Noocan Ahina iyo Qaar Kale Oo Badaniba Waa Dhaxalka siyaasadeed Ay Soo Kordhisay Xukuumadeenu Intii Ay Talada Haysey Waana Lagu Xasuusan Doona Mustaqbalka Insha,Alah

Xisbiga Ucidna Uma Dulqaadan Doono, Dibna U Daawan Maayo In Masuuliyiintooda Iyo Taagerayaashoodaba Lagu Xidho SiFo Sharci_Daro Ah

Waxaanaanu Ugu Baaqeynaa In Si Deg Deg Ah Xoriyadiisii Loogu Soo Celiyo Ex Xildhiban Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) Isla Markaana Raali Galin Ka Bixiso Xukuumadu

Booliska magaalada Gabilay ayaa saaka xabsiga utaxaabay oday Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) oo kamida odayaasha magaalada Gabilay .

Xadhiga oday Sangal ayaa kadambeeyay waraysi uu shalay siiyay Warbaahinta , waraysigaasi oo uu oday sangal ugu jawaabay hadal uu hore Boqor Cismaan Buurmadaw uu warbaainta mariyay, waxa kale oo uu Oday Sangal kaga hadlay waraysigaas uu siiyay Warbaahinta Badhasaabka magaalada Gabilay .

 

XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID

Md: YUUSUF KAYSE CABDI LAAHI

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS