Xidhiidhka ka dhexeeya waraaqda jinsiyada iyo diwaangalinta codbixiyayaasha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka ka dhexeeya waraaqda jinsiyada iyo diwaangalinta codbixiyayaasha
September 2, 2014 - Written by Editor:

Marka hore salaam maxiga waxaan waxogaa isku dayaya in aan qoraal kooban kusoo gudbiyo xidhiidhka ka dhexeeya DIWAANGALINTA CODBIXYA IYO DIIWAANGALINTA MUWADINKA. Diiwaangalinta la diwaagaliyo codbixiyayaashu waxay u suurto galisa muwaadinku in uu helo xuquuqdiisa codbixineed, laakiin taas waxa iyadu ka horaysa in la cadeeyo muwaadinimada shakhsiga codka bixinaya, sugida xuquuqda u muwaadinkasta oo qaangaadh ahi uu u leeyahay in uu ka qayb qaato arimaha quseeya maamulkiisu waa udub dhexaadka dimuqraadiyada, taas waxa aas aas u ah In uu helo doorasho xor iyo xalaal ah oo uu codkiisa kadhiibto waana taas ta ay muhiimka u tahay in la sameeyo diiwaangalinta codbixiyaha, sidee hadaba diwaangalin loo sameeya.

si aan arintaas u iftiimino waxaan waxaan waxooga korxaadis ah ku samaynaya inta nooc ee loosameeyo diiwaangalinta codbixyaha ee wakhti xaadirkan dunida laga isticmaalo.

Sadex hab ayay hada dunidu isticmaasha kuwaas oo kala ah:

  1. Diiwaangalin soo noqnoqota (periodic voter registry) xilikasta oo doorasho soo dhawaato waxaa lasamaynaya diiwaangalin cusub, macnaha markaan leeyahay diwaangalin cusub waxaan uga jeeda gabi ahaanba lama isticmaalo liisaskii dewaangalimahii hore.
  2. Diwaangalin joogto ah (continues voter registry) nocan waxaa la isticmaalaya liiskii hore ee lagu diiwaangaliyay codbixiyayaasha, markasta oo doorasho soo dhawaato liiskaas ayuunba laga saara wixii dhintay waxaana lagu kordhiyaa cida gaadhay d’adii codbixinta iyo cida heshay jinsiyada wadanka.
  3. Civil registry noocan iyada lama isticmaalo wax layidhaa kaadhka codbixyaha laakin waxaa la isticmaalaya waraaqaha jinsiyada, halkaas aan sii yara cadeeyo si uu kuugu fududaado fahamkeedu, codbixiyuhu wuxu goobta codbixinta la imaanaya waraaqda jinsiyada dabadeedna marka la cadeeyo in ay sax tahay waxaa uu dhibanaya codkiisa.

Sadexdaas hab ama qaab ee aan soo sheegnay midna midakale kama fiicna balse waxaa xukumaya in uu haboonyahay isticmaalkeedu xaalada bulsho, siyaadadeed, dhaqaale iyo cimilo ee ka jira ama ku xeeran dal hebel.

Markaa aan doonayno in aan yara iftiimino xidhiidhka ka dhexeeya waraaqaha jinsiyada iyo diiwaangalinta codbiyaha Waxaan is waydiinana ayaa xaq u leh in codeeyo? Maxaase cadaynaya in qof hebel xaq u leeyahay in codeeyo? Labadaas su’aalood markaan si kooban uga jawaabno, waa takowaade, waxaa xaq uleh in uu codeeyo muwaadinkasta oo haysta jinsida wadan hebel xaaladkasta iyo koobkasta oo uu kusuganyahay. Waa ta labaade waxaa cadaynaya in uu xaq uleehay in uu codeeyo lahaansha waraaqaha jinsiyada ee wadan hebel oo uu ku helay sifo shaciga wadanka waafaqsan. Akhriste ogow waraha jinsiyada waxaa ku cad xogta qofka oo dhamaystiran magaca, d’ada iyo jinsiga oo muhiim u ah diiiwaangalinta codbixyaha hadii anay cadayntaasi jirin sow hubaal maaha in qofkasta macaga uu doono iyo d’ada uu doono inu sheegto.

Waxaan qoraalkan ku soo afmeeraya laba erey, muxafid iyo mucaaradba waxaan leeyahay ku dadaala sidii aan danta guud uga horaysiinlahadeen tiina gaar ah, shacabka rer somalilandna waxaan leeyahay hore ayaynu usoo aragnay diwaangalin codbixiye iyadoon la kala garanay muwaadin iyo ajanbi wixii inaga soo marayna waynu ogayn (muruq iyo maal qasaaray), maahmaah Somali ayaa tidhaada muuminka laba jeer god lagama wada qaniino.

Alla mahad leh

Maxamd faarax miigane

 

COMMENTS
LINKS